Ergeyga UN-ka u qaabilsan Somalia oo diidey muddo kororsiga DFS

Image

MUQDISHU, March 19, 2015 (GO)- Iyadoo la filayo in Somalia doorasho ka dhacdo sanadka 2016, ayaa ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobey Somalia waxaa uu meesha ka saarey wararka sheegaya in madaxda Somalida gaar ahaan Madaxweyne Xasan Shiikh damacsan yahay inuu kororsado waqtiga.

Qoraal kasoo baxey xafiiska Nicholas Key March 18, 2015 ayuu lagu sheegey in beesha caalamka gabi ahaanba aqbaleyn in kororsi yimaado wixii ka dambeeya August 2016.

" Ma jirto kororsi ay sameyn karaan madaxda Somaalidu haddii uu waqtigu ka dhamaado madaxda Somalida  2016, beesha caalamkuna ogalaan meyso talabadaas." ayuu sheegey Nicholas Key mar uu saxaafada la hadlayey.

Ergeyga gaarka ayaa xusey in waqtiga dhiman madaxda Somalida looga fadhiyo iney soo dhameystiraan dhismaha maamullada dhiman, dastuurka Somalia oo cod loo qaado iyadoo muhiimadda kowaad la siinayo dhowrista amniga.

Madaxda dowlada Federaalka ah ee Somalia ayan ilaa iyo hadda  ka bixin  wax jawaab ah hadalka ergeyga gaarka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia.

Hadalka Nicholas Kay ayaa ku soo beegmey kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia bilaabey dhaqdhaqaaqyo siyaasdeed ee uu ku raadinayo waqti kororsi inta aan la gaarin sanadka 2016.

Sanadka 2016 ayaa waxaa la qorsheynayaa in wadanka Somalia ka dhacaan doorashooyin xor ah oo madax banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM