Ergo doorasho oo is-miidaamin lagula eegtay Muqdisho

Image
Kolanyada ayaa kusii jeeday goobta loo asteeyay in ay martigeliso geedi-socodka xulista.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay Isgoyska Ceel-Gaabta ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, maanta oo Khamiis ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska.

Goobta ay wax ka dhaceen waxaa ku sugnaa ciidamo boolis ah oo ilaalinaya wadooyinka gala xerada Jen Kaahiye oo loo asteeyay doorashadda kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada waqooyi.

Warar horudhac ah oo laga helay illo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in qaraxa lala eegtay kolanyo ay la socdeen ergada kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland.

Xogta waxay intaas ku daraysaa in kolanyada ay kusii jeeday Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye oo xulista ay ka bilaabatay saaa. Wali lama shaacin khaasaraha. Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabtey ergada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM