Ergooyinka D. Federaalka iyo Somaliland oo Istanbul ku shiraya

Image

March 1, 2015 (GO)- Wada-hadalkii u socdey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa inuu maanta dib uga bilowdo magaalada Istanbul ee dalka Tukiga.

Wufuud ka socota labada dhinac ayaa Istanbul gaarey waxaana ergooyinka labada dhinac kala hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somiland Maxamed Biixi Yoonis.

Arrimo dhowr ah ayaa kulanka diiradda lagu saari doonaa, waxaana ugu muhiimsan dhaqan gelinta qodobadii horay loogu heshiiyey iyo weliba in si miisaaman looga doodo arrimaha masiiriga ah.

Shirkan ayaa qorshuhu ahaa inuu qabsoomo labo maalmood kahor, lamana shaacin sababta dib u dhacaas keentay.

Kulankii ugu dambeeyey ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland yeeshaan oo ka dhacay magaalo madaxda dalka Jabuuti December 2014, waxaa qodobadii lagu heshiiyey kamid ahaa in lasii dardar geliyo wadahadallada, kulanka xigana laysugu yimaado February 26, 2015.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa heshiiskaas qalinka ku duugey, waxaana qodobada kale ee hishiiskaasi dhigayey ugu muhiimsanaa:

  • In la dar dar geliyo wada hadallada labada dhinac waqtina lagu jaan gooyo.
  • In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirrado lana fuliyo waxyaabihii horay loogu heshiiyey.
  • In laga dhowrsado wax walba oo wada hadallada carqalad gelin kara.
  • In aan la siyaasadeyn deeqaha bini aadamnida iyo mashaariicda horumarinta balse la dhiiri geliyo.
  • In la fuliyo heshiiskii maamulka hawada.
  • In kulammada hadii labada dhinac raali ka yihiin laga soo qayb gelin karo khubaro farsamo iyo dowlado saaxiib ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM