Faah faahin ku saabsan duqeyntii Maraykanka ee Saakow

Image

December 30, 2014 (GO)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa duqeyn shalay gelinkii dambe diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka geysatey meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe. 

Warar hordhac ah oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday gaari yar oo marayey duleedka tuulada Jawaari oo hoos tagta degmada Saakow.

Gaariga la duqeeyey oo gebi ahaantiisba burburay waxaa la rumeysan yahay inay la socdeen labo sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab. Labada nin midkood waa madaxii sirdoonka iyo amniyaadka Al-shabaab Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil magaciisa xarakiga ahina yahay Cabdishakuur.

Tahliil wuxuu ka soo jeedaa deegaan ahaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana xilligii weerarku qabsaday uu kasoo baxay degmada Bu'aale isagoo kusoo jeedey Saakow.

Af-hayeen u hadlay wasaarada gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa xaqiijiyey in weerarka diyaarad Maraykanku leeyahay fulisey isagoo intaas raaciyey in qiimeyn lagu wado natiijada weerarka wixii kasoo baxana dib ay kasoo sheegi doonaan. Maraykanku ma shaacin magaca sarkaalka weerarkaas lagu bartilmaameedsaday.

Saddex bilood kahor ayey ahayd markii duqeyn caynkan  oo kale ahayd oo ka dhacday deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeelada Hoose lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM