Faah faahin ku saabsan weerarkii Al-shabaab ee Baydhabo

Image

March 11, 2015 (GO)- Ugu yaraan siddeed qof ayaa geerioodey ku dhowaad toban kalena way dhaawacmeen kadib markii gelinkii hore ee maanta koox Al-shabaab ka tirsani weerar qorsheysan kusoo qaaddey xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Kooxda weerarka soo qaaddey ayaa ka koobnayd saddex nin oo kusoo lebistey direyska ciidamada waxayna isku dayeen inay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada balse iska-caabbin xooggan ayey kala kulmeen ilaalada madaxtooyada.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa gurmad ahaan daqiiqado kadib goobta u yimid, waxaana ciidamada is garabsanaya iyo kooxda weerarka soo qaaddey dhex maray iska hor imaad qaatey muddo labo saac ku dhow.

Ugu dambeyntii waxaa lagu guuleystey in la dilo saddexdii nin ee weerarka fulisey, waxaa sidoo kale dagaalka ku geeriyoodey afar askari oo labo kamid ahi Itoobiyaan ahaayeen.

Dhanka kale, gaari la sheegay in kuwa weerarka fuliyey wateen oo noociisu ahaa Toyota Noah ayaa qarxey. Gaariga qarxay waxaa qabtey ciidamada ammaanka kadib markii laga helay qori iyo rasaas.

Dareewalkii gaariga  waa la xirey, gaarigana bartii lagu qabtey ayaa looga tegey si miino baarku ugu yimaadaan, balse saddex kamid ah askarta booliska ayaa kahor intaysan miino baarku imaan gaariga kaxeeyey iyagoo sheegay inay xaafadaha dhexdooda ka saarayaan si khatartiisu u yaraato.

Gaariga oo bam nooca meelaha fog laga hago ah horay loogu soo rakibey wuxuu qarxay waxyar kadib markii uu magaalada ka baxay, waxaana halkaas ku dhintey saddexdii askari ee saarneyd.

Xaaladda Baydhabo ayaa xilligan ah mid deggen, waxaana weerarkaas si kulul u cambaareeyey madaxda Dowladda Federaalka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM