Faah faahin ku saabsan weerarkii Hotel Maka Al Mukarrama

Image
Image
Image

March 27, 2015 (GO)- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group ayaa soo afjarey hawlgal bilowdey galabta markaasoo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab weerar kusoo qaadeen Hotel Maka Al Mukarama kuna guuleysteen inay gudaha u galaan.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax ismiidaamin ah loona adeegsadey gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo ka dhacay dhabarka dambe ee hoteelka, waxaana intaas kaddib ugu yaraan shan dagaalyahan oo kusoo lebistey tuutaha ciidamadu gudaha u galeen hoteelka.

Is rasaaseyn ayaa dhex martey ilaalada hoteelka iyo kooxdii weerarka soo qaaddey, waxaana daqiiqado gudahood goobtaas soo gaarey iskuna hareereeyey ciidamada ammaanka oo isugu jirey kuwa nabad-sugidda, militeriga iyo booliska.


Khasaaraha weerarka ka dhashay:

Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa weerarka ka dhashay, inta la ogyahay ilaa iyo hadda ugu yaraan 10 qof oo danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalka Switzerland Yuusuf Bari-Bri kamid yahay ayaa weerarka ku geeriyoodey.

Waxaa sidoo kale dhaawacmey ku dhowaad labaatan qof oo kale oo isugu jira askar, shaqaalihii hoteelka iyo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan.

Burbur ayaa soo gaarey qaybo kamid ah hoteelka, waxaana soo daatey muraayadihii ku jirey daaqadaha kadib markii qaar kamid ah kuwii weerarka soo qaadey ay gudaha hoteelka isku qarxiyeen.

Badi dadkii hoteelka ku jirey ayaa lagu guuleystey in la badbaadiyo kadib markii ciidamada ammaanka oo adeegsanaya jaran jarooyin ay daaqadaha ka saareen tobannaan qof.


Al-shabaab oo sheegatey weerarka:

Mas'uuliyadda weerarka waxaa sheegtay Al-shabaab. Afhayeenka hawlgallada Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay weerarkaas iyagu ka dambeeyeen.

Waa markii labaad ee bishan March gudaheeda qarax lagu weeraro Hotel Maka Al Mukarrama.

Hoteelkan oo inta badan ay degaan mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, sanadkii hore ayaa labo qarax oo ismiidaamin ahaa sidan oo kale looga beegsaday.

Dhammaan qaraxyadaas waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda shir jaraa'id qabtaan islamarkaana faah faahin ka bixiyaan weerarkan, qaabka uu dhacey iyo weliba khasaaraha ka dhashay.


Mulkiilaha hoteelka oo eedeeyey maamulka Hodon iyo laamaha ammaanka:

Mulkiilaha hoteelka Maka Al Mukarrama Gurey Xaaji Xasan ayaa mas'uuliyadda weerarkan ku eedeeyey maamulka degmada Hodon iyo laamaha ammaanka.

Gurey oo waraysi siiyey idaacadda VOA wuxuu sheegay in marar badan uu codsadey in la xiro jidka dhabarka ka mara hoteelka ee gaariga maanta qarxey uu kasoo galay, balse codsigaas lagu gacan sayrey.

Mulkiilaha hoteelka ayaa sidoo kale sheegay in haddii rukummada baabuurta celiya jidkaas la dhigi lahaa aanay u suurto gasheen kuwa weerarka fuliyey inay hoteelka si fudud kusoo galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM