Faah faahin weerarka Hotel Saxafi Muqdishu [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

01 November, 2015(GO)-Waxaa goor dhaw la soo gaba gabeeyay hawlgal ciidanka dowladdu ka wadeen Hotel Saxafi oo saaka weerar ku qaadeen mallayshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dhimashada ayaa la sheegay inay marayso ilaa 12 ruux, halka dhaawaco gaarayo 20 qof sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo soo gaaraya Garowe Online, waxaana dadka dhintay ku jira mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaano, ganacsato iyo saraakiil ciidan.

Dadka geeriyooday, waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, General Cabdikariim Dhago-badan oo soo noqday Abaanduulihii ciidanka xoogga dalka Somalia, mulkiilaha Hotelka Cabdirashiid Il-qeyte iyo wariye Cabdinuur Safaana oo ahaa sawir qaade ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera.

Dowladda Somalia ayaa ka hadashay weerarkan, waxaana wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu sheegay in falkaasi ku dhinteen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo ganacsato.

Maareeye oo waraysi siiyay Idaacadda Afka Dowladda ku hadasha, ayaa tilmaamay in laamaha amniga ku guulaysteen bad-baadinta dadka kale oo goobtaasi ku sugnaa, isagoo cambaareeyay arrintan.

Saaka waabarigii hore ayay ahayd markii ururka Al-Shabaab qaraxyo is xig xigay ku weerareen Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM-4 magalada Muqdishu, waxaa qaraxa ka dib gudaha u galay Hotelka mallayshiyaad hubaysay kuwaasi oo muddo ka dhex dagaallamayay, waxaana wararku sheegayaan in dhammaan la toogtay.

Weerarkan waxaa sheegatay ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM