Faahfaahinta qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Image
SAWIRKA: Goobjoogayaal

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa maanta lagu weeraray Xerada Dhul-bixinta eay maamusho dowladda hoose.

Gaarigan ayaa isku deyay inuu xoog ku soo dhaafo bar kantrool ay ciidamado ku leeyihiin wadada warshadaha, taasoo keentey inay rasaas kaga hortagaan.

Gaarigan ayaa ahaa mid aan xabadu karin, waxa uuna markii dambe ku qarxay gudaha Xerada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen 3 askari tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Laamaha amaanka ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Qaraxaan ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, iyada oo guriyaha qaar gariirka qaraxa laga dareemay, sida ay sheegeen goob-joogayaal ku dhaqan Caasimadda.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xili ciidamada ay ku dhawaaqeen in deegaano dhowr ah ay ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM