Faallo: Maxaa run ka ah sheegashooyinka guulaha dagaalada ee dowladda?
MUQDISHO, ( GO) - Shalay waxa ay dowladda war saxaafadeed ku sheegtay in ay dishay 200 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab, lagana xoreeyay 30 tuulo oo gobolka Hiiraan ka tirsan.
Waa xaqiiq in wararka jabka uu markasta ujeedkiisu yahay niyad jabinta cadawga iyo dhiirogalinta ciidanka la dagaalamaya, balse sidaas uma sahlana in intaasi lagu soo koobo maadaamaa dagaalka uu aad uga balaaranyahay mid ka dhaxeeya labo dhinac, oo haatan ay shacabka leeyihiin kaalinta ugu weyn.
Waxay yiraahdaan “qasaaraha ugu horeeya ee dagaalka ka dhasha waa runta “, haddana sidaas kama foga xaalka, gaar ahaan dhanka dowladda oo u bugta in ay wax uun guul ah ku naalootoa xilli fashilkeeda awgiis ay shacabkii dagaalka toos u galeen.
Maadaamaa meelaha ay dagaalada ka dhacayaan ay ka fogyihiin magaalooyinka waaweyn, warbaahinta madaxa banaana aysan galaan gal u lahayn, isha keliya ee xogaha kasoo baxayaan waa dowladda iyo shabaabka oo aanan iyaguna run badnayn.
Kolkaa waxaa adag in la xaqiijiyo tirakoobyada qasaaraha ay dowladda sheeganayso in ay u geysayay Alshabaab, iyo deegaanada ay qabsatay.
Mararka qaar waa sida adiga oo u dabaal dagaya gool aanba dhalan ama ciyaar aanba dhicin.
Halkaa marka ay maraysa, dowladda waxaa waajib dastuuri loogu leeyahay in ay runta ka sheegto guulaha ay kasoo hoyiso goobaha dagaalada, si qiyaas saxan looga qaato inta ay laegtahay halista jirta.
Tusaale waxaa marar badan dhacay in ay dowladda sheegtay in ay qabsatay deegaan, kadibna ay markiiba ka baxeen ciidamadii dowladda, dadkii shacabka ee deegaankaasi kusoo laabtay ay Alshabaan laayeen iyaga oo ku eedeynaya in ay dowladda taageereen.
Hadda oo ay jiraan abaaro daran, deegaanada la xoreeyo waxaa lagama maarmaan ah in la gaarsiiyo gargaar, balse waa in hay’adaha iyo cid kasta oo kale boqolkiiba boqol hubtaa in arrintaasi run tahay.
Tan kale farqi ayaa u dhaxeeya ‘deegaan la tagay’ oo dib looga bixi doono iyo ‘deegaan la xoreeyay’ , ereybixintana waa in sidaas u kala caddaataa.
Ugu dambeyntii, dowladda waa in ay kala saartaa guulaha ay shacabka gaareen iyo kuwa ciidamada dowladda.
GAROWE ONLINE