Faarax Cabdulqaadir oo la filayo in loo magacaabo nabad sugidda Somalia

Image

MUQDISHO, March 5, 2015 ( GO)- Wararka ku dhow aqalka Villa Somalia ayaa sheegaya in la filayo maalmaha soo socda taliyaha ciidamada nabad sugidda Dowladda Federaalka loo soo magacaabo Farax Shiikh Cabdulqaadir oo horey u ahaan jirey wasiirka cadaaladda iyo dastuurka ee Dowladda Federaalka ah.

Farax Shiikh Cabdulqaadir oo barlamanka Somalia diidey in golaha wasiirrada ee xukuumadda Cumar Cabdirashid lagu soo daro ayaa sida la rumeysan yahay awood siyaasdeed ku leh xafiiska Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistaan oo la filayo in dhowaan lagu dhawaaqo ayaa imaaneysa kadib markii malmihii ugu dambeeyey soo baxayeen warar sheegaya in xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Farax Shiikh Cabdulqaadir uu xumaadey.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in dhowaan la magacaabo taliyaha ciidamada booliska Dowladda Federaalka iyadoo la  saadaalinayo in xilkaas uu qabto mid kamid ah wasiirradii horey xilalka uga waayey xukuumadda Cumar Cabdirashid.

Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Dasturka Farax Cabdulqaadir oo gabi ahaanba aan laheyn khibrad dhinaca nabad sugidda ah ayaa magacabistiisu imaaneysaa xilli kooxda Al-shabaab weerarro khatar ah ka geysaneyso goobaha dadku isugu yimaado.

Xilka taliyaha ciidamada nabad sugidda Somalia waxaa horey u soo qabtey Cabdulahi Sanbaloshe balse waxaa laga eryey kadib markii khilaaf soo kala dhex galey xukuumaddii hore ee Ra'isal Wasaare Cabdiweli Shiikh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM