Faarax: Qabiil laguma qeybsan doono 3-da kun macalimiin

Image
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa ka jawaabay su'aal maalmihii u dambeeyay taagneyd.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in seddexda kun ee macalimiinta ah ee dhowaan dowladda qaadanayso aanan lagu qeysan doonin nidaamka qabiilka ah ee loo yaqaan 4.5.

Faarax Cabdiqaadir oo su’aal arrintan la xiriirta kaga jawaabay barnaamij uu kaga qeybgalayay TV-ga Universal, ayuu sheegay in xulashada macalimiinta loo saaray guddi gaar ah.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in siyaasiyiin ay riixayaan in habka 4.5 lagu xulo. Balse wasiir ayaa xusay in marnaba aanan qabiil lagu salayn doonin qaadashada macalimiinta.

Balse, wasiirka ma uusan kala caddeyn qaabka loosoo xuli doono macalimiinta. Hase ahaatee, waxaa laga yaabaa in loo maro hanaan daahfuran oo tartan xalaal ah.

Sida ku xusan miisaaniyadda cusub ee sanadka 2023-da, waxa afar jeer la kordhiyay lacagtii loogu talogalay wasaaradda waxbarashada , taas oo badankeed ku baxaysa mushaaraadka macalimiinta.

Hadda waxaa diiwaanka wasaaradda ku jira 1,000 macalin oo kaliya, waxaana hadda la qaadanayaa 3 kun oo kale kuwaas oo la geyn doono dalka intiisa badan.

Meelaha tixgalinta gaarka ah leh waxaa ka mid ah deegaanada ardada ku yaryihiin si loo dhiirogaliyo in arday badan goobaha waxbarashada aaddo, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Tacliinta federaalka Maxamed Xasan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM