Fadeexad hareysay soo dhaweynta xulka 17-jirada guusha keenay

Image
Isku-dhex-yaaca iyo nidaam la'aanta ayaa soo ifbaxdey markii ciyaartoyda kasoo dageen garoonka Aadan Cadde.

MUQDISHO, Soomaaliya – Is-qabqabsi ayaa hareeyay cidda hogaamineysa soo-dhaweynta iyo maamuuska ciyaartoyda xulka kubadda cagta 17-jiradda kadib markii ay kasoo dageen garoonka Aadan Cadde, sidda uu ogaadey mareega Garowe Online.

Sidda uu fahansan yahay GO, is-mari-waagga oo ka dhex-qarxay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa cirka isku-sii-shareeray markii ay soo dhamaatay gacan-qaadka gudaha madaarka.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in intii uu murankan taagnaa uu shil galay gaariga Wasiirka Dhalinyaradda iyo Cayaaraha, Maxamed Barre, kaasoo ku dhacay gaari ciidan gaar ahaan nooca ay Soomaalida u taqaano Cabdi-Bilaha ama Tikniko.

"Gaariga waxaa laga leeyahay Madaxtooyadda. Lama ogga haddii shilkaas uu ku talagal ahaa ama isku-day la doonayay in lagu carqaladeeyo kolanyadda si si qasab koobka loo geeyo Madaxtooyadda," ayay GO u sheegeen goobjoogeyaal.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in munaasabadda ka dhacdey Madaxtooyadda ee Xasan Sheekh uu biladaha ku guddoon-siiyey ciyaartoyda aan lagu soo wargelin Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

Koobkan ay soo qaadeen xidigaha 17-jiradda ee xulka kubada cagta Soomaaliya waa koobkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ay ku guuleysato waxaana ay kaga qeyb-galaysaa koobka weyn ee qaaradda Afrika.

Qaab "u muuqata in ay afduub tahay"

Illo wareedyo ku dhow Wasaaradda Cayaaraha ayaa raaciyey "iyadda oo la joogo meel dhexe oo aysan cidna soo wargelin ayay qaab u muuqata afduub [Madaxtooayda] kula wareegtey munaasabadda soo dhaweynta arrintaas oo wasiirka aad uga xumaadey".

Wasaaradda Cayaaraha ayaa qorsheysay in ciyaartoyda ay xaflad soo dhaweyn ah ugu sameyso Hotel Doorbin. Wariyeyaal ayaa u xaqiijiyey GO in wasaaradda ay ku wargelisay in ay goobta tagaan si ay usoo tabiyaan xaflada.

Madaxtooyadda Qaranka ayaan wali ka jawaabin eedaha loo jeedinayo. Sidoo kale, lama ogga sababta ay Villa Soomaaliya u dooneysay in ay waddo qarda-jeex ah ugu bareertay si ay u soo dhaweyso laabiciinta guusha taariikhiga ah soo hooyay.

Kadib dhacdadan, baraha bulshadda waxaa ka bilowday laba olole oo iska soo horjeeda. Mid waxaa lagu weerarayaa Wasiir Maxamed Barre, halka kan kale lagu difaacayo isla Wasiirka. Shaqsiyaadka fariimaha gudbinaya waxaa ku jia qaar caan ku ah baahinta iyo buun-buuninta dacaayadaha Villa Soomaaliya.

Ololaha noocaan oo ay dhaqaale ku helaan shaqsiyaadka wareejinaya fariimaha dacaayadaha iyo aflagaadda waxaa abaabula xafiisyadda warfaafinta dhinacyadda is-duraya inkasta oo qaarkood ay iskood isku-xilqaameen.

Tani ayaa waxay caddeyn u tahay jirtaanka khilaaf ka dhashay soo dhaweynta iyo maamuuska xulka oo u dhaxeeyay Wasaaardda Cayaaraha iyo Madaxtooyadda oo u muuqata mid raadineysa in ay dhacdadan weyn u adeegsato olole siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM