Fahad iyo Farey oo mucaaradnimada ku bilaabay "is-dhaqid"

Image
Horjoogeyaasha kutladda NISA ee baarlamaanka 11aad ayaa la hadlay warbaahinta taabacsan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar ka mid ah horjoogeyaasha nidaamkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee lagu eedeeyay gabood faladda ka dhanka ah xuquuqdaaadanaha ayaa ku mashquulsan sameynta wareysiyo ay la yeelato warbaahinta qaarkood iyaga oo dalbanaya in la waydiiyo su’aalo ay soo qorteen ama jilicsan.

Xubnahaan ayaa isku dayaya inay dib ula qabsadaan jawiga siyaasadeed ee cusub maadaama loo haysto dambiyo ka dhan ah xuquuqda daanaha oo isku jira dil, qarin iyo abaabulitaanka weeraro ka dhan ah siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee ka soo horjeeday maamulkooda.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa la soo bandhigay sawir lagu sheegay in Fahad Yaasiin Daahir uu bixiyay waraysi uu kaga hadlay xaalada dalka. Shan sano uu ahaa gacanta midig ee Farmaajo iyo ninka wajahay eeda ugu badan marba kama soo muuqan warbaahinta iyo xitaa baraha bulshada isaga oo si wayn u qariyay wajigiisa.

Fahad oo wajahay guuldarooyin siyaasadeed ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga halkaas oo uu bixiyay waraysi uu ku doonayo in uu ku qariyo dambiyada loo haysto ee ka dhanka ah xuuqul insaanka.

Wareysiga ayaa u muuqda mid lagu marin-habaabinayo dadweynaha si gaar ah dhacdooyinka uu ku lug-yeeshay Fahad si gaar ah la dagaalanka maamuladda si gaar ah Puntland iyo Jubaland, siyaasadeynta hay'adda NISA iyo u adeegsiga shaarka dowlada caburinta mucaaradka.

Yaasin Cabdullaahi Farey, agaasimihii hay'adda sirdoonka qaranka ee maamulkii Maxamed Cabdulalahi Farmaajo oo u waramay SMS Somali TV ayaa wuxuu dalbadey "cafis guud".

Farey oo horey u soo noqdey madaxa mukhaabaraadka ee gobolka Banaadir ayaa hadda ah xubin ka tirsan Galaha Shacabka baarlamaanka 11aad ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Intii uu madaxda ka ahaa hay'adda NISA, hay'adda ayaa lagu eedeeyay "gabood-falo siyaasadeed," sidda ay rumeysan yihiin mucaaradka haatan la wareegay taladda waddanka.

"Fal-dambiyeedyadaas" ayaa waxaa la sheegay in ay ugu tun-weyn yihiin dilalkii Ikraan Tahliil Faarax, Xildhibaanad Aamina iyo askarta sida qarsoodiga ah tababarka loogu diray Eritrea.

Kiiska Ikraan Tahliil ayuu sheegay "in ay aad u siyaasadeeyeen mucaaradka," isaga oo carabka ku adkeeyay "in xogta aan ka hayno ay tahay in ay ku baxdey gacanta Al-Shabaab".

Dadka ka falceliyay hadala Fahad iyo Faray oo hormuud u ah kutlada NISA ee baarlamaanka ayaa ugu yeeray is dhaqitaan ah maadaama loo haysto gabood falo ka dhan ah siyaasiyiinta iyo dadka kale arragtida isla markaana ay la qabsadaan siyaasada cusub ee dalka iyaga oo iska bari yeellaya dambiyada loo haysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM