Fahad Yaasiin: Imaam masjidkii isku badalay dulaal siyaasadeed
ANKARA, Turkey – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, gacanta midig ee madaxwaynihii looga adkaadey doorashaddii 15-ka May, 2022 ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey afar qodob oo horey shaki uga jiray qaybo kamid ah bulshadda Soomaaliyeed.
Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa qodobadan ku falanqeeyay wax uu ku sheegay "wareysigii ugu horeeyay" eel aga qaadey tan iyo markii uu soo galay saaxadda siyaasadda Soomaaliya sanadkii 2012-kii.
Lataliyihii hore ee amniga qaranka ayaa si weyn loola xiriiriyaa dowladda Qadar. Siyaasiyiinta qaar ayaa rumeysan in uu "dulaal siyaasadeed u yahay xukuumadda Dooxa". Balse, aragtidaas wuu iska fogeeyay Fahad.
Guddoomiye gobol urur diimeed
Wallow uu ka gaabsadey in uu carabaabo gobolkaas, Fahad ayaa carabka ku dhuftey in uu darajooyin sar-sarre oo uu ku jiro guddoomiye gobol uu kasoo qabtey Ururka haatan loo yaqaano Ictisaam ee horey loogu yeeri jiray Al-Itixaad.
"Waxaan kamid ah dadka ku qancay manhajka salafiga ah ee wali aaminsan. Aniga waxaan caqliyeystey hooyadey oo xijaaban," ayuu ku yiri wareysiga uu siiyey Gaylan Media, mid kamid ah warbaahinta lala xiriiriyey kooxda Farmaajo.
Macalin Dugsi Qur’aan iyo Kabiir
Isaga oo 10-jir ah ayuu ka dhawaajiyey in uu xifdiyey qur’aanka Kariimka 13-jirkiisana uu kabiir kaga noqdey dugsigii uu ka qalin-badashay. Intaas waxaa wehlisa, in uu kadib u wareegay macalin dugsi meelo kala duwan oo Soomaaliya ah.
"Sidoo kale, waxaan Imaam kasoo noqdey dhowr Masaajid oo ku kala yaala Soomaaliya iyo Kenya," ayuu ku daray Fahad oo inta badan wareysiga isaga hagayey halka ay ahayd in uu saxafiga hogaamiyo martida wajahaysa su’aalaha.
Hooyo koris "aan aabihii abaal u hayn"
Inta uu wareysiga socdey, qiyaastii in ka badan saddex jeer ayuu ku celceliyey "waxaan ahay hooyo koris". Qodobkan wuxuu abuuray buuq. Dadka baraha bulshadda uga falceliyey waxay ka bixiyeen faalooyin toggan iyo qaar taban.
"Guusha aan nolosha ka gaarey Ilaahey ka sokow waxaan abaal uga haayaa Hooyadey," ayuu yiri. Mar la waydiiyey in uu agoonimo kusoo barbaaray ayu uku jawaabay "Maya". Ma uusan sharaxin sababta uu u waayay korinta aabihii.
Laba magac kala duwan iyo hal qof
Markii loo doortey Xildhibaanimada hadda lagala noqdey, waxaa soo shaac-baxay magac kale oo loo yaqaano oo ahaa Fahad Axmed Daahir. Tani waxay sababtey in dadku is-waydiiyaan xagguu ku baxay magacii uu caanka ku ahaa.
"Magaca dadka igu barteen ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waa kan qoyskayga balse kan dukumiintiga ah waa Fahad Axmed Daahir. Soomaalidu waa leeyihiin. Markii yaraa xataa waxaa la i oran jiray Cabdiraxmaan," ayuu Fahad isku difaacay.
GAROWE ONLINE