Fahad Yaasiin Daahir oo duray hogaanka cusub ee NISA

Image
Gacanta midig ee Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay kiiska askarta loo diray Eritrea.

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin Daahir, gacanta midig ee Farmaajo oo Xasan Sheekh ku dhaliilay in uu Mahad Salaad madax uga dhigay NISA, ayaa rumeysan "in uusan u magacaabeen haddii uu aqoon u lahaan lahaa Mahad". 

"Sarkaalka nabad-sugid ee xog la wadaaga taliyaha cusub waa qof sirtii qaranka u dhiibay shaqsigii laga ilaalinaayey," ayuu u sheegay Gaylan Media. Masoo bandhigin fahfaahin iyo caddeymo xoojinaya hadalkiisa.

"Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud haddii uu aqoon u lahaan lahaa Mahad Salaad uma magacaabeen (agaasimaha NISA). Sarkaalka nabad-sugida Soomaaliya ka tirsan ee sir qaran la wadaaga taliyaha cusub ee la magacaabay waa qof sirtii qaranka u dhiibaya qofkii laga ilaalinaayey," ayuu yiri Fahad oo bixiyey wareysi dhinac u jaranjeera.

Wareysiga oo si toos ah aan wali loo baahin balse lasoo bandhigay nuqulo kamid ah ayuu uga hadlayaa arrimo ay ugu muhiimsan yihiin kiiska Ikraan Tahliil, askarta loo diray Eritrea iyo masiirka kooxda uu horjoogaha u ahaa sanadihii dambe.

Ciidamadda tababarka loogu diray Eritrea ayuu si cad u sheegay in aysan ka qeybgelin dagaalka gobolka Tigray. Hadalkan wuxuu ku burinayaa sheegasho ka timid mucaaradka hada talada qabsadey ee ku aadan in ay tageen ismaamulkaas.

Siyaasadii maamulkii Farmaajo kula macaamilayay maamul goboleedyadda gaar ahaan Puntland iyo Jubaland kuna saleysaneyd burbruinta nidaamka federaalka ayuu si indho la'aan ah u difaacay.

"Heer waxay gaartey iyada oo ay fadhiyaan saraakiil Kenyan ah aan dhaho Axmed Madoobe u sheega madaxwaynihiisu waa Farmaajo ma ahan Uhuru Kenyatta," ayuu xusay. "Puntland way ku khasaartey xiriirka ay la samatay Jubaland".

Intii uu jiray nidaamkii Farmaajo, Qadar oo xiriir dhow la leh Fahad Yaasiin ayaa taakulo dhaqaale ku bixineysay meelmarinta ajandayaasha guracan "balse maxay hadda iga dooneysaa ma anigaa madax ka ah Soomaaliya?," ayuu tibaaxay.

Dhawaqa Fahad ayaa kusoo beegmayaa xilli la filayo in Xasan Sheekh Maxamuud loo caleema-saaro Khamiista berri ah xilka madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya. Wareysiga uu xilligan bixiyey waxaa su'aal geliyey falanqeeyeyaal kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM