Fahad Yaasiin oo Beledwayne u tahay kursi Xildhibaanimo

Image
Safarka Fahad ayaa kusoo aadaya xilli qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Fahad Yaasiin Daahir, gacanta midig ee Farmaajo, ayaa ka dagay Beledwayne si uu u soo qaato kursi Xildhibaanimo oo summadiisu tahay HOP086 wallow ololihiisa ay hareeyeen eedeymo awood-sheegasho iyo afuubka ergada.

Safarka Fahad Yaasiin ayaa wuxuu kusoo aadaya saacado uun kadib markii qarax ismiidaamin ah oo dad badan lagu dilay uu ka dhacay bartamaha magaalada.

Qaraxa ayaa lala eegtay Makhaayadda Xasan Dhiif, oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka, waxaana xiligaasi ku sugnaan Mas'uuliyiin kala duwan, oo heer degmo iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka HirShabeelle.

Dad kaloo aad u badan oo Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin ay ku jiraan ayaa ku dhaawacmay qaraxa Maanta, oo lagu soo beegay xili Beledweyne isku diyaarinayso inay ka dhacdo doorashadda 25 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay. Xildhibaan lagu magacaabo Aadan Kala-dire oo Baarlamaanka HirShabeelle kamid ah, ayaa la sheegay inuu kamid yahay mas'uliyiinta dhaawaca ah.

Amniga magaaladda ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid jilicsan, iyadoo uu ku sugan yahay Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo sanad kadib tagey dhawaan, waxaana la geeyay Ciidan katirsan Haramcad iyo Gorgor oo Muqdisho Farmaajo kasoo diray.

Fahad Yaasiin, oo ah la-taliyaha amaanka Farmaajo ayaa la filayaa inuu magaaladda Beledweyne u aado doorashadda kursiha HOP86 oo uu isaga u xiran yahay, isagoo kala wareegaya kursiga Faarax C/qaadir, oo qaraabo yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM