Fahad Yaasiin oo Beledwayne u tahay kursi Xildhibaanimo

Image
Safarka Fahad ayaa kusoo aadaya xilli qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Fahad Yaasiin Daahir, gacanta midig ee Farmaajo, ayaa ka dagay Beledwayne si uu u soo qaato kursi Xildhibaanimo oo summadiisu tahay HOP086 wallow ololihiisa ay hareeyeen eedeymo awood-sheegasho iyo afuubka ergada.

Safarka Fahad Yaasiin ayaa wuxuu kusoo aadaya saacado uun kadib markii qarax ismiidaamin ah oo dad badan lagu dilay uu ka dhacay bartamaha magaalada.

Qaraxa ayaa lala eegtay Makhaayadda Xasan Dhiif, oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka, waxaana xiligaasi ku sugnaan Mas'uuliyiin kala duwan, oo heer degmo iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka HirShabeelle.

Dad kaloo aad u badan oo Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin ay ku jiraan ayaa ku dhaawacmay qaraxa Maanta, oo lagu soo beegay xili Beledweyne isku diyaarinayso inay ka dhacdo doorashadda 25 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay. Xildhibaan lagu magacaabo Aadan Kala-dire oo Baarlamaanka HirShabeelle kamid ah, ayaa la sheegay inuu kamid yahay mas'uliyiinta dhaawaca ah.

Amniga magaaladda ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid jilicsan, iyadoo uu ku sugan yahay Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo sanad kadib tagey dhawaan, waxaana la geeyay Ciidan katirsan Haramcad iyo Gorgor oo Muqdisho Farmaajo kasoo diray.

Fahad Yaasiin, oo ah la-taliyaha amaanka Farmaajo ayaa la filayaa inuu magaaladda Beledweyne u aado doorashadda kursiha HOP86 oo uu isaga u xiran yahay, isagoo kala wareegaya kursiga Faarax C/qaadir, oo qaraabo yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM