Fahad Yaasiin oo bixiyey xogta madax uu qarsoodi kula kulmay

Image
Maqaal la sheegay in uu qoray agaasimihii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa hareeyay baraha bulshada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maqaal la sheegay in uu qoray Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saacadihii lasoo dhaafay hareeyay baraha bulshadda. Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karo sheegashaddan.

Faallada oo si ba'an loogu daabacay dhamaan ciwaanadda baraha bulshada ee taabacsan Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ciwaan waxaa looga dhigay "Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa".

Qormadda oo dadka qaar ay ku sifeeyeen in ay baalmarsan tahay waaqica saxda ah ayuu Fahad si gaar ah diiradda ku saarayaan hogaamintiisa hay'adda sirdoonka qaranka oo bilaabatay 15-kii Agoosto 2018.

Fahad oo u sharaxan kursi Xildhibaanimo degaan doorashadiisu tahay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa ku faanay wax uu ku qeexay "guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha".

"Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah Shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso," ayuu nuqul kamid ah qormada ku yiri.

Wuxuu raaciyey: "Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan".

Isla gudaha faallada, Fahad oo ah gacanta midig ee madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo, ayaa xaqiijiyey in uu si qarsoodi ah Muqdisho ugu qaabilay madaxda hay'addo mukhaabaraad dalal shisheeye.

"Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay'adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya," ayay faalladu raacineysaa.

Wariyihii hore ee telefishinka Al Jazeera Carabi oo wajahaya eedeymo ku saabsan in shantii sano ee lasoo dhaafay uu maleegay shirqoolo siyaasadeed iyo xasarado ayaa bixiyey tafaasiil kale oo "xasuustiisa ka tirmi doonin".

"Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda," ayuu xusay.

Kahor inta uusan fagaaraha siyaasadda soo gelin, Fahad ayaa ahaa saxafi waqti badan Geeska Afrika iyo Soomaaliya uga shaqeeyay TV-ga laga leeyahay Qadar. Sidoo kale, wuxuu ahaa qoraaga maqaalo buuq dhaliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 05:59PM

Madaxda Soomaaliya iyo Ghana oo ku kulmay Shirka Tamarta Afrika

Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga dhaqanka iyo iskaashiga waxbarasho.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 02:48PM