Fahad Yaasiin oo ku soo baxay kursi lagu muran-sanyahay
MUQDISHO, Soomaaliya – Fahad Yaasiin Daahir, horay looga ceyriyay xilka Agaasimaha sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta Axad ah ku soo baxay kursiga golaha shacabka ee tirsigiisu yahay hop#086 oo muran ka taaganyahay ka dib markii guddiga doorashada heer Faderaal uu dalbaday in la hakiyo kursigaan.
Kursigan uu horay ugu fadhiyay xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir waxaa sidoo kale isku soo taagay hal musharrax oo la tartamay Fahad, kaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Axmed wuxuuna u ahaa malxiis, maadaama kursigan si gaar ah loogu xiray La-taliyaha amniga qaranka oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo.
Fahad Yaasiin ayaa helay 70 cod, halka musharixii tartamayey uu isna helay 24 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 3 cod, sida uu shaaciyey Guddiga SEIT ee HirShabelle.
Musharixiin kursigaan u tartamaysay ayaa loo diiday shaadada taas oo meesha ka saartay in kursigaan logo tartan furan.
Fahad Yaasiin oo khudbad kooban ka jeediyey meesha ay ka dhacday doorashadiisa ayaa sheegay inuu dhibaato badan usoo maray sidii uu u heli lahaa Kursigaan.
"Waa ku mahadsan tihiin inaad ii doorataan kursigaan, waxaan u mahadcelinayaa guddiga doorashada oo waqtiga badan geliyey arrintaan, waxaan kursigaan ku matali doonaa Beledweyne, Hirshabelle iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Fahad Yaasiin ayaa sheegay in la arkay waxa ay tahay doorashada dadban ee Dalka ka dhacdo, wuxuuna sheegay inuu Khadiijo Maxamed Diiriye oo joogtay halka lagu doortay uu ka baran doono sida mar labaad iyo mar Sedexaad loogu soo noqdo kursiga.
Fahad Yaasiin oo magacyo kala duwan u isticmaalo Dokumiintiyadiisa ayaa lagu diiwaan geliyay magac aan horay loogu aqoon oo ah Fahad Dahir Ahmed, oo ahaa midka Baasaboorada ku isticmaalo, taasoo ah bilow cusub, weji cusub iyo magac cusub oo uu ku daah furayo booggiisa cusub ee siyaasadeed.
Ninkan oo 5-tii lasoo dhaafay aad isku qarinayey ayaa todobaadkan isa soo shaac bixiyey, isaga oo doonayo inuu ku biiriyo Golaha Shacabka Soomaaliya si uu ugu tartamo gudoome ku xigeenka golaha shacabka.
Guddiga doorashada heer Faderaal oo dalbaday in dib loo dhigo kursigaan ayaan la ogayn go’aanka ay ka qaadan doonaan guusha Fahad Yaasiin Daahir.
GAROWE ONLINE