Fahad Yaasiin Daahir oo caddeeyay in la dilay Ikraan Tahliil

Image
Madax Soomaali ah iyo dalal ajnabi ah ayuu ku adkeystay "in ay wada fuliyeen shirqoolkan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in "aakhiro iyo aduun" kiiska dilka Ikraan Tahliil Faarax "la waydiinayo" ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Mahad Salaad.

"Ikraan xilligaas waxay raadineysay shaqo. Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayay shaqo ka doonatay. Habeenkii la waayay waxaa gaari u soo diray Al-Cadaala oo u geeyay Mahad Salaad," ayuu tibaaxay.

Saddexdan mas'uul ee haatan kamid ah dowladda cusub ayuu ku eedeeyay "in ay lahaayeen farsamada, fududeynta iyo fulinta khaarijinta" sarkaalada ka tirsaneyd NISA. Masoo bandhigin caddeymo xoojinaya hadalkiisa.

"Mahad Salaad ayaa gaari ku qaadey oo geeyay xaafada Daaru Salaam kadib waxaa loo gudbiyey Jilib halkaas ayaana lagu dilay gacanta fulisayna waa Al-Shabaab," ayuu ku sharaxay

Mahad Karaatey oo kamid ah maleyshiyadda Al-Shabaab ayuu carabka ku adkeeyay "in uu kala shaqeeyay fulinta shirqoolkan". Hase ahaatee, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waa iska fogeeyeen eedeyntaan.

"Ujeedada laga lahaa waxay ahayd in khalkhal lagu abuuro laguna sumcad-xumeeyo magaca sirdoonka qaranka," ayuu xusay. "Karaatey waxay xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad oo hada madax ka ah NISA," ayuu sii raaciyey.

Dalal ajnabi ah ayuu ka shanqariyey in ay qeyb ka ahaayeen shirqoolkan. Balse, Fahad wuu ka gaabsadey in uu carabaabo. Mar la waydiiyey in ay yihiin Imaaraadka iyo Kenya, wuxuu ku jawaabay "aniga ma sheegin magacyadaas".

"Xogta aan haatan sheegayo waa 10% macluumaadka aan ka hayo kiiskan. Inta kale ee ka hartey waxaan la wadaagi doonaa hay'adaha sharciga ah," ayuu hoosta ka xariiqay Fahad oo ah gacanta midig ee Farmaajo.

Mucaaradka Soomaaliya ee haatan la wareegay talada dalka ayaa horey u sheegay in hay'adda sirdoonka qaranka oo uu hogaaminayo Fahad Yaasiin ay ka dambeeyeen dilka Ikraan oo ahayd madaxa amniga internet-ka hay'adda.

Marka laga yimaado xarig-jiidka siyaasiyiinta, illaa haatan ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijinta karta sheegashooyinka labada dhinac. Qoyska gabadha maqan ayaa wali raadinaya cadaalad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM