Xog laga helay is-qarxiyihii beegsadey xerada Gen Dhagobadan

Image
Taliyaha ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan la bilaabay "si loo ogaado waxyaabaha qarsoon".

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Milatariga Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raagge, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in is-qarxiyihii beegsadey xerada warshadii hore ee Nacnac "uusan gaarin hadafkiisa" lana bilaabay baaritaan.

Warar loo qaateen ah ayaa tibaaxaya in ismiidaamiyaha uu isku soo ekeysiiyey askarta safka ugu jirtey kamid noqoshada ciidanka xoogga isla markaana uu dhex-galay askarta. Waxyaabaha u sahlay waxaa kamid ah habeenimada.

Saldhigan ciidan oo sidoo kale lagu magacaabo Jeneraal Dhagobadan ayaa waxaa lagu tababaraa cutubyo kamid ah milatariga Soomaaliya waxaana horey dhowr jeer u beegsadey Al-Shabaab.

Cabdirizaq Gurey Farax ayaa kamid ahaa dhalinyaradii ku dhimatey qaraxii lala beegsadey xerada ciidamada “NACNAC” ee magaalada Muqdisho, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sidda ay caddeynayaan macluumaadyadda loo helayo sidda horudhaca ah, dhalinyarada qaraxa lala beegsadey ayaa saf ugu jirtey tababar Milatary ee loogu qaadi lahaa dalka dibadiisa.

Fahfaahinadda qaarkood oo laga helayo illo muhiim ah ayaa sheegaya in dhalinyaradaan Axada maanta ah loo qaadi lahaa dalka Masar halkaas oo tababar ciidan lagu siin lahaa.

Dalka Eritrea ayaa weli waxaa ku maqan dhalinyaro tababar loogu qaadey kuwaas oo titadoodu kor u dhaafeyso shan kun kuwaasoo qaabkii loo maamulay qoridooda su'aallo ka yimaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqdey dalka Eritrea ayaa sheegey in dhalinyardaan oo muddo sadex sano ah ka maqan dalka dib u soo celin doono. Hase ahaatee, waxaa la sheegay in wali ay ka taagan tahay caqabad dhanka dhaqaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM