Farmaajo: Al-Shabaab waxay halis ku tahay nolosha dadka Afrika

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa dalbadey in Soomaaliya mas'uuliyada amniga kala wareegto AMISOM.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynihii waqtigu ka dhamaadey Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ku soo bandhigayey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.

Farmaajo ayaa ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay la dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka.

Muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto dabargoynta arxanlaaweyaasha Alshabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah ayuu hoosta ka xariiqay.

"Argagixisada Alahabaab waxa ay khatar ku tahay dhammaan nolosha dadka Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno khataraha inagaga imaanaya  argagixisada Alshabaab iyo kooxaha kale  ee xagjiriinta ah," ayuu yiri.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayuu tilmaamay ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda qaran, waxa uuna adkeeyay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen Bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo  jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta ka soo fula dowladda Soomaaliya.

"Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada AlShabaab, waxa ayna taasi keentay in soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran," ayuu tibaaxay.

Shirka oo maalintiisii labaad galay ayaa la filayaa in wafdiga Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha, la dagaallanka ayaxa, iyo arrimo kale oo quseeya Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM