Farmaajo iyo Muuse Biixi oo markii ugu horeysay ku kulmay Addis Ababa

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa markii ugu horeysay maanta oo Talaado ah ku kulmay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.

Kulanka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi oo qaatay 40 daqiiqo ayaa dhacay galabta, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Diblumaasiyiin ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in labada mas'uul ay kuwada hadleen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Abiy Axmed.

Illaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen. Mana jiro war-saxaafadeed iyo sawirro ay madaxtooyadda labada dhinac kasoo saareen shirkaas.

"Kulanka wuxuu ahaa mid ay labadooda oo kaliya ay qaateen mana jirin wasiir ama xubno kale oo goobjoog ka ahaa," siddaas waxaa yiri diblumaasiyiinta.

Farmaajo ayaa Itoobiya kaga qeybgalay shir-madaxeedka 33aad ee Midowga Afrika, halka Biixi uu tegay maalin kadib socdaalka madaxweynaha Soomaaliya.

Bogga GO ayaa fahansan in Biixi uu si gaar ah u casuumay Abiy, oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Kulanka ayaa wuxuu kusoo aadaya iyaddoo khilaaf uu ka dhaxeeyo dowladda Farmaajo oo mudda xileedkeedu gabaabsi yahay iyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM