Farmaajo oo "$34 milyan ku bixiyay boobka doorashada"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa $34 Milyan oo Doollar ku bixiyay boobka doorashada golaha shacabka sida uu shaaca ka dhigay Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo 5tii sano lasoo dhaafay ka mid ahaa taageerayaasha Farmaajo balse lumiyay kursigiisii golaha shacabka.

Farmaajo ayaa lacagtaas ku bixiyay doorashada kuraasta Xildhibaannada Golaha Shacabka si uu u helo cododkooda waxaana Ibbi balan qaaday in dacwad lagu baarayo lacagtaas dhawaan la furi doono sida uu hadalka u dhigay.

Ibbi oo eedeeyn kala dul dhacay Farmaajo ayaa sheegay in uu ka qoomamaynaya taageerada hagar la’aanta ah ee uu u muujiyay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo oo hada dhabarka ka jabiyay.

“Dad aan ku kalsoonaa ayaa dhabarka iga jebiyay, Waxa qaldamahay waa dhabar ka toogasho dadka intooda badan dhowr jeer ii sheegeen balse ugu dambeyn aan arkay, mana filaneyn meesha ay iga gaarsiisneed & halka ay ku dhammaatay” ayuu xusay.

Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu amar ku bixiyay sidii looga hor istaagi lahaa u tartamidda kursiga uu ku fadhiyay ee Golaha Shacabka.

“In aniga kursiga la iga wareejiyo ma aha Koofur Galbeed ee Waa Villa Somalia, saacadihii ugu dambeeyay kahor doorashada ayaa la go’aamiyay, Aniga waxa aan ahaa halgamaa weyn oo Nabad & Nolol ah” ayuu hadalkiisa ku daray.

Aadan ayaa su’aal geliyay rejada uu Farmaajo ka leeyahay in dib loo doorto xitaa isaga oo Baarlamaanka kahor istaagay in ay dib ugu soo laabtaan Jawaari, Dalxa, Muudey iyo mudanayaal kale oo aan xubno ka noqon Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

“Soomaalida nin ay mar dooratay mar labaad ma doorato, Sidii hore ma aha oo codadka la isugu shubaayo, Dhalinyarada soo gashay Baarlamaanka nin weliba wuu arkayaa beerta la fashay, sida loola dhaqmay Muudey, Dalxa, Jawaari, Shariif Xasan & Dad kale” ayuu xusay.

Isaga oo ka qoomamaynaya taageerada Farmaajo ayuu xusay “Shalay Farmaajo waan taageersanaa 100% balse waxaa muhiim ah in uu qofka ballan & diin leeyahay ayaa lagu raacaa, in todobo saac habeennimo la I yiraahdo Ergadada geyso Baydhabo oo toban saac galabnimo telefoon la iga soo daba tiro oo la dhaho asiga ma aha yaah waxa ay ka dhigan tahay sii oo ha siin” ayuu hadalkiisa kusii daray Prof Cabdiraxmaan Ibbi.

Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa 21-sano waxa uu ahaa Xildhibaan katirsan 5tii Baarlamaan ee u dambeysay ee Dalka soo martay, halka uu soo qabtay xilal kale uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo 5 jeer oo uu kamid noqday Golaha Wasiirada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM