Farmaajo oo baaq kasoo saarey colaada duleedka Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxa uuna ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo maanta loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka deegaannadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u rajaynayaa caafimaad deg-deg ah dhammaan intii ku waxyeelowday dirirtan, waxa uuna Jannatul Firdowsa Alle uga baryey dadkii rayidka ahaa ee naftooda ku waayey colaaddan.

Madaxtooyada Soomaaliya

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM