Farmaajo oo balanqaad u sameeyay Somaliland, baaqna diray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ka hadlayey Munaasabadda 26-ka June oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa ugu horeyn wuxuu hambalyo udiray Umadda Soomaaliyeed.

"Waxaan hambalyo ku aaddan xuska 58 guuradii kasoo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan," ayuu Farmaajo ku bilaabay hadalkiisa.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka madax banaan tahay sanadkii 1991-dii ayaa waxaa tan iyo xiligaas ay sheeganaysa inay tahay maamul ka madax-banaan Soomaaliya inteeda kale, balse waxay ku hungoobeen siyaasiyiinteeda inay aqoonsi helaan.

Dadka Somaliland iyo masuuliyiintooda waxay ku doodaa in sababta ugu wayn oo ay Soomaaliya inteeda kale ay uga go'een ay tahay dhibaatooyin ay sheegeen inuu ugeystay maamulkii Maxamed Siyaad Barre.

Sikastaba, Farmaajo ayaa wuxuu sheegay in dowladda uu hadda hogaamiyo ay ka go'an tahay inay kala hadasho Somaliland, wax walba oo ay tabanayaa, ayna la fariisan doonaa Miiska Wadaxaajoodka.

"Waxaan caddeynayaa in dawladdeydu ay diyaar u tahay in la lafa-guro oo miiska la soo dhigo wax kasta oo lagu kasban karo kalsoonida shacabka Somaliland, laguna bogsiin karo dareenkooda, si wada jir ahna loogu sixi karo qaladaadkii keenay duruufaha maanta jira," ayuu kusoo xiray.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed ay ilaashadaan xorriyadda ay maanta haystaan, taasoo uu ku tilmaamay tahay mid lagu bixiyay Dhaqaale iyo dhiig badan.

Hadalka kasoo yeeray Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Wasiiradda Qorshaynta Federaalka iyo maamulada isugu raaceen in dhaqaalaha Somaliand ka hesho Beesha Caalamku hakiyaan, taasoo maamulka Hargeysa si wayn ucambaareeyay.

WAR SAXAAFADEEDKA VILLA SOOMAALIYA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM