Farmaajo oo baqdin muujiyey kahor shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayaa baqdin ka muujiyey isbedel lagu sameeyo heshiiska 17-ka September kahor shirka golaha wadatashiga qaranka.

"Wax kasta waxaa fiican in xaqiiqada laga sheego. Doorasho dadban ayadda ayaaba muran ku dhisan. Marka in is-qanciyo iyo in la wadatashado in ay wax noogu hagaagi karaan," ayuu yiri.

Farmaajo ayaa hadaladan wuxuu ka sheegay munaasabadda xuska ciidamadda booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtey xarunta bileyska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho

"Heshiiska 17-kii September waa sharci. Meel buu yaalaa. Anigana waan saxiixay. Waxaan rajeynayaa in aan wax laga bedelin oo sidiisa loogu sii socdo oo waxyaabaha qaldan in laga saxo. Laakiin, mabaadi'da uu ku dhisan yahay waa in aan wax laga bedelin," ayuu hoosta ka xariiqay.

Hay’adaha amniga ayuu faray dardargelinta howlgallada lagu sugayo amniga dalka, gaar ahaan waqtiga doorashada, isaga oo tilmaamay halista maandooriyaha ku soo kordhay dalkeenna oo Ciidamada Boolisku ay haatan kula jiraan dagaal adag.

"Qof kasta oo Soomaaliyeed waxaa uu markhaati ka yahay isbeddelka iyo dib-u-dhiska xooggan ee aan ku sameynay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kordhiyey tiro iyo tayo ahaanba, taas oo wax weyn ka beddeshay amniga dalka iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka," ayuu xusay.

Salaan sharaf ayuu kadib ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhoolla-tus Ciidan, waxa uuna  Alle uga baryey dhammaan halyeeyadii naftooda u huray ilaalinta amniga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu waddaa in uu Muqdisho ka bilowdo 27-da December kana soo qeybgalaan madaxda maamuladda wallow la rumeysan yahay in Villa Soomaaliya ay kasoo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM