Farmaajo oo bilaabay olole uu ku dhaqayo lacag taala Muqdisho

Image
Mashruucaan boor-isku-qarinta ah ayaa si dadka loo marin-habaabiyo loogu sameeyay ciwaan qaldan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in ololaha kooxda Farmaajo ku tilmaameen in ay dadweynaha uga uruurinayaan lacag guri loogu dhisayo madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya uu yahay "mid lacag taala Muqdisho lagu dhaqayo".

Illo xog-ogaal ah ayaa GO u sheegey iney magaalada Muqdisho lagu hayo lacag farabadan taas oo loogu talagalay in lagu bixiyo doorashadii Madaxweyne ee 15 May ka dhacdey Muqdisho balse aan la isticmaalin. 

Xogtaan ayaa sheegeysa in barnaamijkaan lacag ururinta loo isticmaalayo in lagu sharciyeeyo lacagahaan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.

Mashruucaan boor-isku-qarinta ah ayaa kusoo hagaagay xilli dalka oo dhan ay ka jirto abaar-saameysay dad iyo duunyo. Dadka dhaliilaya ololahan waxay ku sifeeyeen mid curyaaminaya dadaaladda dowladda ee loogu gurmanayo dadkan tabaaleysan.

Ergayga abaaraha ee Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ku dhowaad 8 milyan oo ruux ay saameysay abaarta isaga oo intaas ku daray in in ka badan 200-kun kamid ah dadkaas ay aad ugu nugul yihiin macluul.

"Waxaa xusid mudan in aan nahay adeegayaal shacab, mana jirto baahi ka wayn ama mudnaan maanta ka saraysa gurmadka abaaraha," ayuu Warsame yiri kadib markii loo magacaabay xilkan "si mutadhawacnimo ah" 24-tii bishii hore ee May, 2022-dii.

Ololaha ay ka dhinac-bilaabeen nidaamkii Farmaajo barnaamijka gurmadka abaaraha ayaa dadka daneeya siyaasadda waxay ku qeexeen mid dadka looga mashquulinayo in ay diiradda saaraan u gurmashadda walaalahooda dhibaateysan taasoo keeni karta cawaaqib-xumo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM