Farmaajo oo booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka dagay magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya, iyadoo safarkiisana uu yahay mid aan horey loo shaacin.

Wali Villa Soomaaliya ma aysan shaacin ujeedka booqashada Farmaajo ee Kenya, balse warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay inay ku qotanto muran ka taagan derbiga xuduuda iyo kuwa kale oo xiriirka labad dal khuseeya.

Booqashan oo noqonaysaa tii labaad oo Madaxweynaha uu ku tago Kenya tan iyo markii la doortey ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Nairobi ay ku sugan yihiin qaar kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo DFS khilaaf siysaadeed kala dhaxeeya.

Xildhibaano, Wasiirro iyo mas'uuliyiin kale ayaa ku wheliya Madaxweynaha safarkiisa Nairobi, waxaana lagu wadaa inay la kulmaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa kamid ah dalalka gobolka ee sida tooska ah ugu lugta leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana ka jooga Ciidamo badan oo qeyb ka ah AMISOM, kuwaasi oo ka howlgala Jubbooyinka iyo Gedo.

Labada dal waxaa hadda ka dhaxeeya muran xooggan oo dhinac xuduuda badda ah, kaasi oo loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda [ICJ], oo la filayo in go'aan ka gaarto kiiskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM