Farmaajo oo cambaareeyay fal ay sameeyeen Ciidamada Soomaaliya

Image
Madaxwaynihii hore Soomaaliya ayaa ku baaqay in aysan mar kale soo laaban dhacdooyinka noocaan ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay xabada ay Ciidamada Dowladda u adeegsadeen kala eryida Bajaajleyda banaanbaxdey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARMAAJO

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.

Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda.

Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay'adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah.


GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM