Farmaajo oo ciidamo horleh ku daabulay Beledweyne

Image
Shacabka Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya imaashaha ciidamadan tirada badan

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Arbacada maanta ah magaalada Baledweyne ka dajiyay laba diyaaradood oo ay saarnayeen ciidamo isugu jira Boolis iyo Milatari tiradooda lagu qiyaasay 100 askari.

Labada diyaaradood ayaa Ciidamada Haramcad iyo gorgor ee ay tababartay dowladda Turkiga ka qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana la sheegaya in ay yihiin qeybtii ugu horeysay ciidamo gaaraya 400 oo askari oo loo qorsheeyay in Baledweyne ka howlgalaan inta codaynto socoto.

Illo lagu kalsoonyahay Garowe Online u sheegay in ciidamadaan dajiyay Saldhiga ku yaalla magaaladda Baledweyne oo ay ka socdaan banaanbaxyo rabshado wata.

Macada ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa daabulista ciidanka Haramcad iyo Gorgor ee magaalada Baledweyne, waxaase ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan in ciidamadan qorshahoodu yahay in ay difaacaan keenista Baledweyne ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanad ah loo diidan yahay inuu tago Baledweyne,

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay qeyb ka qaadanayaan sugida amaanka doorashada Golaha Shacabka ee Baledweyne lagu qabanayo. Kuraasta taalla Xarunta Hiiraan waxaa ka mid ah Hop#086 ee uu tartamayo Fahad Yaasiin agaasimihii hore ee NISA.

Shacabka Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya imaashaha ciidamadan tirada badan ee la sheegayo in ay doonayaan in ay xoog ku keenaan Baledweyne Cali Guudlaawe, iyadoo magaalada gudaheeda dhinac uga sugan yihiin ciidamo aad u hubeysan oo kasoo horjeeda in Cali Guudlaawe yimaado magaalada Baledweyne.

Dhanka kale, warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Jenaraal Xuud wadahadaladoodii ay kusoo dhamaadeen fashil, islamarkaana ay tan soo dadajisay in ciidamada Haramcad iyo Gorgor loo soo daabulo Baledweyne si loo wiiqo awooda Kacdoonka Hiiraan ee ku aadan Hirshabeelle.

Jen Xuud ayaa mudo ka badan hal sano dagaal kula jiray Cali Guudlaawe, isagoo sheegay in Hiiraan aan shaqeynaynin maamulkiisa, ayna dhisi doonaan maamul gaar ah oo Hiiraan State la yiraahdo, iyadoo kacdoonkiisa ay qeyb ka yihiin beelo dhowr ah oo Hiraan dega.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM