Farmaajo oo ciqaab ku mutaysan kara askartii uu u diray Eritrea
MUQDISHO, Soomaaliya – Abukaate Zakariye Yuusuf oo Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Baarlamaanka Soomaaliya uu u yeeri karo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si ay wax uga waydiiyaan kiiska askarta loo qaadey Eritrea kadibna waxaa lasoo taagi karaa Maxkamadda Ciidamadda".
Abuukaataha ayaa sheegay in ay qalad wayn tahay mar loo eego siyaasad ahaan iyo qaynuun ahaan in la inkiray dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea taas oo ay ku keceen madax ka tirsan dowladda Faderaalka ah oo uu ka midyahay taliyaha milatariga Gen Odowaa Yuusuf Raage.
Sharci-yaqaanka ayaa sheegay in dowladda cusub ay waajib ku tahay in ay qaadato masuuliyada soo celinta ciidanka ku sugan Eritrea si ay fursad ugu helaan in ay la midoobaan ehelkooda iyo dadka Soomaaliyeed oo ay mudo ka maqnaayeen.
"Dowladda cusub waa saaran waajibaad ma ahan in ay sidii dowladii hore ugu aamusaan” ayuu hoosta ka xariiqay Abuukaataha oo hadalkiisa raaciyay. "Talaabo talaabo ha u sheegeen si waalidiintu u ogaadaan dhalinyaradii intii dhimatay, intii dhaawacantay iyo intii la waayay”.
Abuukaataha ayaa ka horyimid in madaxweynaha cusub Xasan Sheekh uu cafiyo dambiyada dalka laga galay 5 sano ee la soo dhaafay isaga oo ku dooday “ wixii gaf ah oo aan la isku qabsanayn waa wixii siyaasad ah balse wixii dambi ah oo dalkaan laga galay madaxweynuhu macafin karo xaqna uma lahan, sharciguna ma ogola mana laga yeellayo”.
"Qof aa dambi laga galay hooyaa wiilkeedii dhintay, hooyaa wiilkeedii maqanyahay, xaq waxa ay u leeyihiin jawaab iyo ilmahoodii loo keeno” ayuu cadeeyay abuukaate Zakariye Yuusuf.
Abukaate Zakariye Yuusuf, ayaa sheegay in qaynuunku qabo in baarlamaanka u yeero madaxweynihii hore iyo shaqsiyaadka ku lugta leh qaadista dhalinyada hadii lagu helo gafna la ciqaabo maadaama uusan cafin Karin madaxweynaha hada Xafiiska Jooga.
Farnaamjo inta uu xilka hayey waxaa caada u ahayd arrin kasta oo dalka ka taagan ha ahaato mid dhaqaale, mid siyaasadeed amaba bulsho inuusan si toos ah uu uga hadlin amaba mararka qaar uu gabi ahaanba ka aamuso.
Dhinacyada ka soo horjeeday dowladda Farmaajo ama xubnaha mucaaradka waxay marar badan sheegeen ciidamadii Eritrea tababarka u loo geeyey iney ka qayb qaateen dagaalka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya ka socda walow ay dowladda beenisay.
GAROWE ONLINE