Farmaajo oo ciqaab ku mutaysan kara askartii uu u diray Eritrea

Image
Mucaaradka waxay marar badan sheegeen ciidamadii Eritrea tababarka u loo geeyey iney ka qayb qaateen dagaalka Tigreega.

MUQDISHO, Soomaaliya – Abukaate Zakariye Yuusuf oo Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Baarlamaanka Soomaaliya uu u yeeri karo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si ay wax uga waydiiyaan kiiska askarta loo qaadey Eritrea kadibna waxaa lasoo taagi karaa Maxkamadda Ciidamadda".

Abuukaataha ayaa sheegay in ay qalad wayn tahay mar loo eego siyaasad ahaan iyo qaynuun ahaan in la inkiray dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea taas oo ay ku keceen madax ka tirsan dowladda Faderaalka ah oo uu ka midyahay taliyaha milatariga Gen Odowaa Yuusuf Raage.

Sharci-yaqaanka ayaa sheegay in dowladda cusub ay waajib ku tahay in ay qaadato masuuliyada soo celinta ciidanka ku sugan Eritrea si ay fursad ugu helaan in ay la midoobaan ehelkooda iyo dadka Soomaaliyeed oo ay mudo ka maqnaayeen.

"Dowladda cusub waa saaran waajibaad ma ahan in ay sidii dowladii hore ugu aamusaan” ayuu hoosta ka xariiqay Abuukaataha oo hadalkiisa raaciyay. "Talaabo talaabo ha u sheegeen si waalidiintu u ogaadaan dhalinyaradii intii dhimatay, intii dhaawacantay iyo intii la waayay”.

Abuukaataha ayaa ka horyimid in madaxweynaha cusub Xasan Sheekh uu cafiyo dambiyada dalka laga galay 5 sano ee la soo dhaafay isaga oo ku dooday “ wixii gaf ah oo aan la isku qabsanayn waa wixii siyaasad ah balse wixii dambi ah oo dalkaan laga galay madaxweynuhu macafin karo xaqna uma lahan, sharciguna ma ogola mana laga yeellayo”.

"Qof aa dambi laga galay hooyaa wiilkeedii dhintay, hooyaa wiilkeedii maqanyahay, xaq waxa ay u leeyihiin jawaab iyo ilmahoodii loo keeno” ayuu cadeeyay abuukaate Zakariye Yuusuf.

Abukaate Zakariye Yuusuf, ayaa sheegay in qaynuunku qabo in baarlamaanka u yeero madaxweynihii hore iyo shaqsiyaadka ku lugta leh qaadista dhalinyada hadii lagu helo gafna la ciqaabo maadaama uusan cafin Karin madaxweynaha hada Xafiiska Jooga.

Farnaamjo inta uu xilka hayey waxaa caada u ahayd arrin kasta oo dalka ka taagan ha ahaato mid dhaqaale, mid siyaasadeed amaba bulsho inuusan si toos ah uu uga hadlin amaba mararka qaar uu gabi ahaanba ka aamuso.

Dhinacyada ka soo horjeeday dowladda Farmaajo ama xubnaha mucaaradka waxay marar badan sheegeen ciidamadii Eritrea tababarka u loo geeyey iney ka qayb qaateen dagaalka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya ka socda walow ay dowladda beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM