Farmaajo oo dalacsiiyey dalacsiiyey saraakiil ciidan

Image
Image
Booliska ayaa lagu sheegaa cududdii ugu horreysay ee dowladnimada Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa ka qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa dhiirigeliyey qaar ka mid ah Taliyeyaasha Hoggaannada iyo Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Sida ay faafisay Madaxtooyadda Soomaaliya oo war-saxaafadeed ku faafisay ciwaankeeda gaarka ah ee mareegga Facebook-ga ayaa sheegtay in Farmaajo uu dallacsiiyey Saraakiishan:

1. Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan oo u dallacay Sarreeye Guuto.

2.Taliyaha Hoggaanka Isgaarsiinta, Gaashaale Sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo u dallacay Sarreeye Guuto.

3. Taliyaha Akadeemiyada Booliska ee Janaraal Kaahiye, Gaashaanle Sare Muqtaar Gaabow Xasan, oo u dallacay Sarreey Guuto.

Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegaa cududdii ugu horreysay ee dowladnimada Soomaaliyeed, waa geedkii ay ka farcameen dhammaan qaybaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalkeenna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM