Farmaajo oo goobaya dib-u-doorashada kadib sanad cagajiid ah

Image
Farmaajo ayaa dalka ku xukumayay muddo shan iyo toban bilood sharci daro ah isaga oo isku dayay muddo kororsi.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday 8 February 2021, Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa sanado iska daba wareeg ah ka dib ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo dhici doonta 15 bishan may.

"Waxaan ku dhawaaqayaa in aan dib isu soo sharixi doono," ayuu yiri madaxweynaha hadda xilka ka sii dagaya, oo loo yaqaan Farmaajo, khudbad laga siidaayay talefashinada maxaliga ah. "Waxaan ugu baaqayaa labada aqal ee baarlamaanka in ay ii codeeyaan."

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa Xildhibanaada Labada Aqal ka codsaday in ay codkooda siiyaan, isla-markaana ay u sii socod-siiyaan waxa uu ugu yeeray “is bedeldoonka ka soo bilowday 8-dii February, 2017”.

“Sidaas darteed waxaan halkan ka soo jeedinayaa laba baaq oo muhiim ah. Baaqa koobaad waxaan u dirayaa Xildhibaanada sharafta leh ee Labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, oo aan wadajir ugu guuleysano, una horumarino dalkeena iyo dadkeena, si aan u sii socod-siino is bedeldoonka ka soo bilowday 8-dii February, 2017," ayuu ka dhawaajiyey Farmaajo.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan Alle uga baryaynaa in dalkeena uu ku maneysto nabad waarta iyo nolol wanaagsan. Waad mahadsan tihiin.”

Waa markii ugu horeysay ee Farmaajo uu shaaciyo inuu yahay musharax mar kale u taagan jegada Madaxweynaha Dowladda Federaalka, tan iyo markii uu muddo xileedkiisu dhammaaaday February 2021

Farmaajo ayaa dalka ku xukumayay muddo shan iyo toban bilood sharci daro ah isaga oo isku dayay in uu ku darsado labo sano oo sharci daro ah taas oo baarlamaanka diiday ka dib dagaalo ka dhacay Muqdisho.

Mucaaradka ayaa ku tilmaamay nin aan doorasho diyaar u ahayn isla markaana doonaya in uu dalka galiyo dagaal sokeeye.

Farmaajo oo xilka madaxweyne loo doortay February 2017 ayaa la tartami doona tobaneeyo musharrax ah oo u tartamaya kursiga ugu sarreeya dalka doorashada oo markii hore la qorsheeyay in ay dhacdo February 2021.

Waxaa kale oo la tartamaya labo madaxweyne oo hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Axmed, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre, madaxweynaha maamulka shidaalka qaniga ku ah Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM