Farmaajo oo guddoomay dhambaal uga yimid Joe Biden

Image
Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey waxaa fariintan soo gaarsiiyey danjire Larry André.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Maraykanku u soo magacawday Soomaaliya, Larry André.

Danjiraha cusub ayaa, sida ay shaacisay Madaxtooyadda Soomaaliya, wuxuu Farmaajo la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka, Joe Biden.

Soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed ayuu ka mahadceliyey, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Farmaajo ayaa la wadaagay danjiraha cusub horumarka ay Dowladda Federaalku ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habaynta hay'adaha maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dayn cafiska.

Sida laga soo xigtey bayaanka, Farmaajo iyo Danjire André ayaa "kawada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini-aadannimada, iyo horumarinta".

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Larry André xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo "la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM