Farmaajo oo ka qeybgalaya shir ka dhacaya Turkiga

Image
Shirweynaha Madashan ayaa socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa u amba-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayaan meertada saddexaad ee Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Shirweynaha Madashan oo socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay Madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga amniga, socdaalka, ganacsiga, wershedaha, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, taas oo ay tilmaam u tahay in Caasimadda Muqdisho laga hirgeliyey dhismaha Safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM