Farmaajo oo ku ololaynaya dhaliyaro laga soo celiyay dalka Liibiya!

Image

MUQDISHO- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday 8 February 2021, ayaa ku ololaynaya ku dhawaad 100 tahriibayaal Soomaaliya ah oo howlgalka midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM ay Talaadadii ka soo dajiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Twetter-ka ee howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya “Hindisaha Wadajirka ah ee Ilaalinta iyo dib u soo celinta muhaajiriinta ee Midowga Yurub iyo IOM ayaa ka caawiyay 97 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho”.

Tahriibayaashaan oo ka yimid dalka Liibiya ayaa ku jiray xabsiyo in ka badan 2 sano sida uu sheegay howlgalka midowga Yurub oo intaasi ku daray in ay dhalinyaradaan ka taageeri doonaan dhexgalka bulshada.

Balse Villa Somalia ayaa ku ololaynaysa in ay iyada dhalinyaradaan dalka dib ugu soo celisay, ka dib markii Farmaajo “guddi u saaray sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Liibiya loo soo badbaadin lahaa”.

Dhalinyarada qaarkood oo gaaray magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegay in markii laga dajiyay Muqdisho lagu qasbay in ay warbaahinta la hadlaan sheegaana in Farmaajo ka soo badbaadiyay guddaha dalka Liibiya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in “Villa Somalia sheegatay in Farmaajo uu ka danbeeyey dhallinyaro Liibiya laga soo celiyey, laakiin Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda Socotada Adduunka (IOM) waxey leeyihiin innagaa soo celinta iska kaashannay”.

Warsame oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay iska ilaaliyaan hoggaamiye aan run aqoon, jecelna in lagu ammaano wax uusan qaban”.

Farmaajo oo 5 sano u tahay bisha soo socota ayaa khilaaf xoogan waxaa uu ka dhexeeyaa RW xilgaarsiinta kadib markii uu isku dayey in 27 December si sharci daro ah xilka uga qaado. 

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM