Farmaajo oo la kulmay taliyeyaal ciidan xilli ay xiisad jirto
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa warisay in ayaa Farmaajo uu xubnahan ka xog-waraystay xaaladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dhowrka Gobolka Banaadir.
"Madaxweynaha ayaa ka digay saameynta maandooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caasimadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maandooriyaha oo helis ku ah noloshooda," ayay tiri Villa Soomaaliya.
Qoraalka ayaa la raaciyey: "Dalkeenna waxaa ku soo xoogeystay khatarta cadow ay tahay in aan si adag u wajahno, dhammaanteenna aynu u wada istaagno sidii aan uga badbaadin lahayn ubadkeenna. Cadowgaas oo ah Maandooriyaha ku soo badanaya dalkeenna ee khatarta ku ah xasiilloonida waddanka iyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed".
Farmaajo ayaa soo bandhigay sida uu uga xunyahay falalka magac-dilka ku ah Laamaha Amniga ee mararka qaar ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed Askar aan fahansanayn masuuliyadda ka saaran bad-qabka dadkooda.
Sida laga soo xigtey Madaxtooyadda, Farmaajo ayaa "faray Taliyeyaasha Heer Federaal iyo Heer Degmo ee Gobolka Banaadir in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu helo falalkan".
"Dhankooda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda amni ee caasimadda iyo qorsheyaasha heer gobol ee ku aaddan nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir," ayay kusoo xirtey.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dalku ku jiro xaalad doorasho taasoo ku socota qaab caga-jiid ah isla markaana uu khilaaf ka dhex-qarxay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo Farmaajo lana tuhunsan yahay in madaxweynaha waqtigu ka dhacay ku fekerayo in uu shaqada ka joojiyo Rooble.
GAROWE ONLINE