Farmaajo oo lacag iyo xoog galiyay si loo aamusiyo warbaahinta
MUQDISHO, Soomaaliya – Saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya ayaa shantii sano ee la soo dhaafay waxaa beegsi iyo weerar joogto ah ku haayay Dowladda Faderaalka ah ee hoggaamiyo madaxweynaha xilka sii dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu sheegay Cabdisalaan Caato oo la hadlay Garowe Online.
Cabdisalaam Caato ayaa sheegay in nidaamkii dalka maamulaayay uu dhibaato badan u gaystay warbaahinta Soomaalida oo ay ugu horayso Garowe Online oo ka mid ah hoggaanka warbaahinta Soomaalida.
Caato ayaa sheegay in nidaamka Farmaajo ay dacaayado ka sameeyeen warbaahinta iyada oo sheegaya in warbaahinta madaxa banaan ee oo soo tabinaya xaqiiqada jirta ay u adeegayaan dano shisheeye isla markaana ay lacago ku qaateen duminta dalka.
Cabdisalaan ayaa sheegay in maamulka Farmaajo uu xoogg badan iyo dhaqaale galiyay sidii loo aamusi lahaa warbaahinta soo tabisa xaqiiqa dalka ka jira iyaga oo hadafkoodu ahaa in ay aamusiyeen warbaahinta, xiraan xarumaha warbaahineed, wariye-yaashana ku qasbaan in ay dalka ka cararaan.
Waxa uu sheegay in Farmaajo sameeyay in qofka lagu dhajiyo magac aan sax ahayn iyada oo “la leeyahay lacag ayuu ka soo qaatay dalka hebel iyo waxa uu u soo jeestay burburinta dalka”.
Cabdisalaan ayaa hadalkiisa ku daray “Qofkii gacantoodu ay gaari karto waa ay gaartay, kii kala kana waxa ay dhaqaalo ku bixiyeen in ay sumcad dilaan”.
Dhanka kale Samiira M. Barre oo ka hadashay isticmaalka social media iyo noocyada ay kala yihiin ayaa sheegtay Soomaaliya 5 sano ee la soo dhaafay baraha bulshada loo isticmaalay waxa ay ku sifaysay “waalida dhaqanta” oo ay hormuud u ahaayeen maamulka Farmaajo si dadka loogu jahawareeriyo.
Inkastoo Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada ugu horeeya ee lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta hadana shantii sano ee la soo dhaafay ayaa dhibka ugu badan saxaafada ka soo gaaray dhanka Villa Soomaaliya sida uu sheegay Cabdirishiid Nuur oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space.
Cabdirashiid ayaa sheegay in uu meesha ka baxay dheelitirnaanta wararka maadaama wararka ay soo jarjarayaan xafiiska madaxda u qaabilsan warbaahinta hadana ay baahinayaan qaybta qusaysa oo ay iyaga rabaan.
Waxa uu sheegay in ay xadideen halista xogta ee warbaahinta taas oo caqabad wayn ku noqonaysa shaqada saxaafada helista warbixino dhamaystiran.
Sida ay muujiyeen warbixino ay baahiyeen qaar ka mid ah ururada Saxaafada Soomaaliya sida SJS, SOMA iyo FOSEJ waxaa dalka lagu dilay 13 suxufi mudadii u dhaxaysay 2017-2021, 5 ka mid ah waxaa lagu dilay Muqdisho.
Warbixinta ayaa muujisay in la dhaawacay ku dhawaad 20 suxufi halka la weeraray 29 xarumo warbaahineed oo dalka ku yaalla iyada oo 81 weerar lagu qaaday saxaafada halka ay dalka ka carareen 12 suxufi.
GAROWE ONLINE