Farmaajo oo laga soo xigtey hadal gaf ku ah ciidanka Soomaaliya

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey ayaa la wariyey in uu si dadban u ammaanay xubnaha Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayaa shir golaha amniga qaranka ah ka sheegay in Al-Shabaab ka caqiiqado fiican yihiin ciidanka dalka, sida uu sheegay sarkaal hore.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo taliye ku xigeen kasoo noqdey hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka Farmaajo uu ka gaabiyey la dagaalanka maleyshiyadda.

Sida laga soo xigtey Cabdalla oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga, mudadii xilka uu hayey Farmaajo waxaa abuuurmay "wax la yiraahdo Farmaajo Team iyo Al-Shabaab".

Hase ahaatee, Cabdalla Cabdalla ayaa ku guuldareystay in uu soo bandhigo caddeymo ku saabsan sheegashadiisa. Si lamid ah ma uusan shaacin goorta iyo goobta uu ka qabsoomay shirkaas uu Farmaajo ka hadlay.

"Wixii ka horeeyay 2017 waxaa jiray dowlad iyo AlShaabab dagaal ka dhexeeyo laakiin wixii ka danbeeyay F&F (Farmaajo iyo Fahad) iyo AlShabab waa isku milmeen oo waxaa soo baxday dawladda isku milanka (Farmaajo team iyo Al-Shabaab)," ayuu yiri.

Jananka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay: "Waxaa mudan in la Iska waraysto Waa halka ay ku danbayso dowladii larabay inay cadowga Alshabab dalka ka xorayso".

"Farmaajo shir golaha amniga qaranka ayuu ka sheegay in AlShabaab ka caqiido fiican yihiin ciidanka qaranka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo darajadda uu ka xayuubiyey Fahad Yaasiin.

Al-Shabaab ayaa haatan loo arkaa khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa loo arkaa kuwa saameyn ku yeelan kara doorashooyinka dalka haatan ku jiro kuwaasoo dib-u-dhac ballaaran uu ku yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM