Farmaajo oo "lagu riixayo" in uu darajada ciidanimo ka qaado Bariise

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa "lagu riixayaa" in uu darajada ciidanimo la xayuubiyo Sareeye Guuto Jeneraal Maxamed Cali Bariise, sidda uu shaaciyey Xildhibaan.

Isagoo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, sharci-dejiye Axmed Macalin Fiqi ayaa warkaan ku faafiyey boggiisa xiriirka bulshadda.

Bariise, taliye ku xigeenkii Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed, ayay warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan jagadda uu hayey.

Villa Soomaaliya ayaa baahisay in Bariise xilka laga qaadey markii Farmaajo "garwaaqsaday baahida loo qabo in tayeynta ciidanka".

Hase ahaatee, Bariise ayaa daboolka ka qaadey in uu 18-kii Febraayo 2020 uu isu casilay "faragelinta siyaasadeed ee lagu hayo ciidanka".

"Madaxweynaha ayaa lagu qalqaalinayaa in Gen. Bariise uu rabo in uu kula kaco qaabkii Gen. Cabdalla Cabdalla oo darajooyinka ciidamanimo ee uu tobankii sano ee la soo dhaafay taliyuhu dadaalkiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku kasbaday," ayuu Fiqi kusoo qoray bartiisa Facebook.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla, taliye ku xigeenkii hay'adda hay'adda sirdoonka Soomaaliya, ayaa darajadda laga xuyuubiyey markii laga eryay xilkii uu hayey.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka

Waxaa jira warar ka soo baxaya madaxtooyada oo ka caraysan warqadda xil ka tagista Gen. Bariise ee Warbaahintu ay faafisay taasoo lagu bartilmaameedsanayo Gen. MAXAMED CALI Bariise oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka XDS.

Madaxweynaha ayaa lagu qalqaalinayaa In Gen. Bariise uu rabo In uu kula kaco qaabkii Gen. Cabdalla Cabdalla oo darajooyinka ciidamanimo ee uu tobankii sano ee la soo dhaafay taliyuhu dadaalkiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku kasbaday.

Waxaan ka digaynaa In aan awoodda madaxtinimada si qaldan loogu adeegsan shakhdiyaadkii dalkaan u soo halgamay, diyaarkana u ahaa In ay naftooda huraan.

Maxaad u sheegtay inaad is casishay, oo aad u qaadan waydey inaan ku casilay ayuu xaalku taagan yahay!?

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM