Farmaajo oo loogu baaqey inuu ka baxo Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa loogu baaqey inuu si deg deg ah uga guuro xarunta Madaxtooyadda dalka, kadib markii sida ay sheegeen uu sameeyay isku-day afgembi.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa lagu eedeeyay Farmaajo uu isku deyey in uu ciidan ku qabsado hay’ado dastuuri ah, iyaga oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo isaga iyo intii kale ee ku gacansiisay "afganbiga".

Rooble ayay uga mahadceliyeen sida geesinimada leh ee uga horyimid afgembiga, una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas, sida lagu sheegay qoraalka Musharixiinta.

Musharixiinta mucaaradka ayaa taageero u muujiyay Rooble, waxayna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin in Farmaajo uu talada dalka sii haysto, oo faragelin ku sameeyo hanaanka doorashooyinka dalka, oo uu mas'uuliyadeeda bishii May ku wareejiyay Ra'iisul wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM