Farmaajo oo shaacinaya aragtida Soomaaliya ee masiirka Afrika

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa la filayaa in uu ka hadlo shirka ka furmay Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Shirka ayaa, sida ku xusan jaantuska AU-da, waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale.

Kulankan oo ilaa berri sii socon doona, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika.

Sidoo kale, dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19 iyo wax ka qabashada fatahaadaha ayuu ka hadli doonaa Farmaajo.

Ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka Ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika ayaa si lamid ah kamid ah qodobada uu Farmaajo kusoo qaadi doono hadal-jeedintiisa.

Wafdiga Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

Farmaajo iyo Wafdigiisa waxaa halkaas soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyey Wasiiro kala Duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo Safiirkeenna inoo jooga dalka Itoobiya Danjire Abdilahi Ahmed Jamac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM