Farmaajo oo shaaciyey in uu shaqada ka joojiyey Rooble
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkii dhamaadey Farmaajo ayaa shaqada ka joojiyay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo uu ku eedeyay "in uu ku kacay ku tagri fal hanti dawladeed".
Qoraal lagu qoray bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Soomaliya ayaa lagu sheegay in baaritaan ku socdo wasiirka koowaad. Balse, lama caddeyn fahfaahin ka baxsan eedeynta loo jeediyey.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARMAAJO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;
Markuu arkay qodobka 87aad ee Dastuurka KGM ah ee dalka kaas oo tilmaamaya inuu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee Dastuurka;
Markuu tixraacay wareegtadii uu soo saaray 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ilaalinta dhulalka danta guud si waafaqsan qodobka 43aad ee Dastuurka KMG ee dalka;
Markuu arkay xeerkii uu ku mamnuucay ku takrifalka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada ee soo baxay 27kii Oktoobar 2021;
Markuu ogaaday in Ra’iisul Wasaaraha uu soo galay raad tuhun oo muujinaya inuu ku takrifalay dhul dan guud ah oo leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;
Markuu arkay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fureen baaris looga gun gaarayo tuhunka la xiriira Musuqmaasuqa dhul dan-guud ah oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;
Markuu garwaaqsaday in Ra’iisul Wasaaraha uu saaray cadaadis Wasiirka Gaashaandhigga si loo leexiyo baarista looga gun gaarayo tuhunka la xiriira kutagri-falka dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;
Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu 26-kii Diseembar 2021, Wasiir cusub usoo baddalay Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo aan la dhamaystirin baaristii socotay taasoo looga gol leeyahay faragelinta baarista socota ee la xiriirta musuqmaasuqa dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;
Madaxweynaha wuxuu soo saaray go’aamadan;
1. Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo;
2. Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda waxay sii wadanayaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka;
3. Waxaa lagu adkaynayaa dhammaan masuuliyiinta hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan ku takrifalka hantida danta guud, ayna dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka.
Talaabadan ayaa muujineysa in ay cirka isku sii shareertay xiisadda labadda mas'uul ee ugu saraysa Soomaaliya taasoo salka ku haysa qabashadda doorasho loo dhan-yahay oo ku dhacda hanaan aad u daahfuran.
GAROWE ONLINE