Farxaan Qaroole: Taliyihii booliska Muqdisho oo qarax lagu dilay
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii Ciidanka Booliska Muqdisho Sareeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qarole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, sidda ay xaqiijinayaan warbixino laga helay illo dhanka ammaanka.
Fahfaahin horudhac ah ayaa muujineysa in weerarka uu ahaa qarax miino oo la kacdey isaga oo lugaynaya Farxaan Qaroole oo horey u soo noqdey taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad.
Afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodisho, ayaa hal saac kadib wuxuu xaqiijiyey geerida taliyihii bileyska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole oo lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay afaafka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
"Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecindoonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada," ayuu Doodisho ku yiri war-saxaafadeed kooban oo uu soo saarey loona diray xarumaha warbaahinta.
Sida laga soo xigtey saraakiil dhanka ammaanka oo codsadey in aan magacyadooda la adeegsan, falkan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar ilaalo u ahayd marxuumka.
"Sidoo kale, wariye ka tirsan warbaahinta qaranka oo lagu magacaabo Axmed Socdaal ayaa ku nafwaayay falkan argagixiso," ayuu yiri sarkaalkan la hadlay warsidaha Garowe Online.
Sarkaalkan ayaa intaas ku daray: "Wariyaha wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyay si dhow ula shaqeynaayey ciidamadda iyo taliyaha oo howlgalka xoreynta dalka kaalin weyn ku lahaa".
Marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa taliyeyaasha horkacayay howlgalkii ciidanka saaka kula wareegeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay baahiyeen baraha internet-ka ee taageera, maleyshiyada Al-Shabaab oo qaadatay mas'uuliyadda weerarka loo adeegsadey miinada ee lagu dilay taliyihii booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa sheegtay in sidoo kale ay qaraxaas ku khaarijisay afar sarkaal kale. Balse ma aysan shaacin magacyadooda.
Intii uu howlgalkan socdey, ciidamada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qabsadeen sagaal tuulo oo ay ku jirto degaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayna burburiyeen dhowr saldhig oo ay lahayd Al-Shabaab kadib howlgal ay fuliyeen aroornimadii Jimcada maanta ah, sidda ay ku warantey warbaahinta dowladda Soomaaliya.
GAROWE ONLINE