Faylka Soomaaliya oo "noqdey" ajandaha ugu sareeya ee Masar
QAAHIRA, Masar – Dib-u-doorashada bishii May ee muddo xileedka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiiragelisay danaha Masar ee Soomaaliya, sida uu ku waramay wargayska Al-Monitor ee ka faalooda arrimaha carabta iyo geeska Afrika.
Danaha amni iyo siyaasadeed ee Masar ee Badda Cas iyo kanaalka Suweys ayaa si toos ah u taabanaya arrimaha Soomaaliya, iyadoo dhawaan ay loolankaas kusoo biireen Turkiga, Iiraan, qaar kamid ah dalalka Khaliijka, Ruushka iyo Shiinaha.
“Masar waxay diyaar u tahay taageerada dadaallada nabadda iyo xasilloonida iyo ciribtirka argagixisada Soomaaliya," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Masaarida laba maalmood kadib dib-u-doorashaddii Xasan.
Diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo diiday in magaciisa la isticmaalo ayaa u sheegay Al-Monitor “Faylka Soomaaliya ayaa ugu sarreeya ajandaha Masar”.
“Masar waxay si dhow ula socotaa dhammaan isbeddellada siyaasadeed ee Muqdisho, oo ay ku jiraan doorashada madaxtinimada. Waan ku qanacsanahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in iskaashi ballaaran laga yeesho arrimaha gobolka ee danta guud," ayuu ku daray sarkaalka.
Diblomaasigaan ayaa xusay in Masar ay qaadatay hindiseyaal badan oo wada-hadal ah oo ay la yeelatay jilayaasha siyaasadda ee Soomaaliya, wuxuuna mar kale yiri “ Masar waxay heer hey’adeed kala shaqeysay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay in la gaaro nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya”.
Muddo xileedkii hore ee uu madaxweyne Xasan Sheekh dalka madaxweyne ka ahaa 2012-kii illaa 2017-kii wuxuu xiriir dhow la lahaa Qaahira, isaga oo afar booqasho ku tagay Masar, waxaana musid mudan in Masar safaaradeeda Muqdisho ay dib uga furtay sanadkii 2013-kii.
Muddo xileedkan labaad, Xasan ayaa ololaha ku galay hal-ku-dheg ah "Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah". Tani waxay ka dhigan tahay in uu ku qasban yahay in uu dhex u noqdo dhamaan dowladaha caalamka.
Talaabooyinka ugu horeeya ee illaa haatan uu qaadey waxay muujinayaan in uu isku-dayayo dhaqan-gelinta hal-heyskaas. Masar waxay kamid ahayd dalalkii wafuuda culus u soo diray Muqdisho si ay uga qeybgalaan caleema-saarkii madaxwayne Xasan Sheekh.
GAROWE ONLINE