Fiqi: Diyaaradaha Turkiga ayaa kusoo biiray dagaalka Al-Shabaab

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli dadka Muqdisho ay bilooyinkii ugu dambeeyay hawada caasiamda ku arkayeen diyaaradaha Bayraktar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga uu "ku biiray" taageerada dhanka cirka ah ee ay siinayaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Dan Qaran oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Universal, ayaa xusay kaalinta diyaaradaha Turkigu tahay "mukhaabaraadka".

Bilooyinkii lasoo dhaafay, dadka deegaanka caasimadda Soomaaliya ayaa soo warinaayey in hawada magaala madaxda Muqdisho lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar.

Howlgalada ka socda gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Baay ayaa waxaa lagu xoreeyay degaano dhowr ah waxaana lagu dilay boqolaal maleshiyo Al-Shabaab ah, sidda ay sheegayaan warbixinada la helayo.

Ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay maleyshiyadda Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyinka Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow oo hoostaga degaanka Daynuunaay ee duleedka magaaladda Baydhabo, caasimada ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay la wareegeen Labi-Dulle oo 16 KM u jira El-lahelay oo ah tuulo u dhaxeysa magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud "kadib markii ay ka hayaameen maleshiyaadka Al-Shabaab," sidda laga soo xigtey wakaalada wararka qaranka ee SONNA.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay wuxuu wareysi uu siiyey telefishinka CNN uu shaaca kaga qaadey in maamulkiisa uu diyaariyey qorsheyaal uu ku dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM