Fiqi: Diyaaradaha Turkiga ayaa kusoo biiray dagaalka Al-Shabaab

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli dadka Muqdisho ay bilooyinkii ugu dambeeyay hawada caasiamda ku arkayeen diyaaradaha Bayraktar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga uu "ku biiray" taageerada dhanka cirka ah ee ay siinayaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Dan Qaran oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Universal, ayaa xusay kaalinta diyaaradaha Turkigu tahay "mukhaabaraadka".

Bilooyinkii lasoo dhaafay, dadka deegaanka caasimadda Soomaaliya ayaa soo warinaayey in hawada magaala madaxda Muqdisho lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar.

Howlgalada ka socda gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Baay ayaa waxaa lagu xoreeyay degaano dhowr ah waxaana lagu dilay boqolaal maleshiyo Al-Shabaab ah, sidda ay sheegayaan warbixinada la helayo.

Ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay maleyshiyadda Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyinka Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow oo hoostaga degaanka Daynuunaay ee duleedka magaaladda Baydhabo, caasimada ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay la wareegeen Labi-Dulle oo 16 KM u jira El-lahelay oo ah tuulo u dhaxeysa magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud "kadib markii ay ka hayaameen maleshiyaadka Al-Shabaab," sidda laga soo xigtey wakaalada wararka qaranka ee SONNA.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay wuxuu wareysi uu siiyey telefishinka CNN uu shaaca kaga qaadey in maamulkiisa uu diyaariyey qorsheyaal uu ku dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM