Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u difaacday Jaamacadda Carabta kaddib markii safiirka Itoobiya ee Muqdisho uu ku eedeeyay ururka inuu u janjeero dhinaca Masar iyadoo aan la haynin xaqiiqooyin dhab ah oo ku saabsan muranka biyaha Webiga Nile.

Itobiya ayaa si rasmi ah u daahfurtay Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD), kaas oo loogu talagalay in lagu xalliyo baahida koronto ee gobolka, hase yeeshee dhismahiisa waxaa si xooggan uga soo horjeestay dalalka Masar iyo Suudaan oo rumeysan in buuxinta biyo-xireenkaasi ay saameyn ku yeelan karto qulqulka biyaha ee u sii gudba dhanka hoose ee webiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah ka ciyaarto xoojinta iskaashiga iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah. Wuxuu uga mahadceliyay ururka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan geeddi-socodka dib-u-dhiska dowladnimada.

“Soomaaliya waa xubin buuxda oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, waana u mahadcelineysaa taageeradooda aan kala go’a lahayn ee ku wajahan dowlad-dhisidda. Hadafka Jaamacaddu waa in la xoojiyo xiriirka dalalka xubnaha ah iyo in la isku xiro iskaashiga u dhexeeya, si loo ilaaliyo madax-bannaanidooda,” ayuu yiri Fiqi.

Safiirka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta inay u dhaqanto sidii qeyb ka mid ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar. Wuxuu sheegay in ururkaasi si joogto ah u diido mowqifka Itoobiya ee ku aaddan Webiga Nile, isla markaana iska indho tiro dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira dalalka Carabta.

“Dadaallada Masar ay ku hor istaagayso horumarka Itoobiya horey ayay u fashilmeen,” ayuu yiri isagoo si adag u weeraray Qaahira.

Dowladda Maraykanka ayaa horay isku dayday inay dhex-dhexaadiso muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, iyadoo Suudaan ay sidoo kale qeyb ka tahay wada-xaajoodka, hase ahaatee ilaa hadda lama gaarin wax heshiis kama dambeys ah.

Talaadadii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hoggaamiyay munaasabad rasmi ah oo lagu daahfurayay mashruuca GERD ee Webiga Nile.

Xiisaddan ayaa laga yaabaa inay saameyn toos ah ku yeelato Soomaaliya, kaddib markii Masar ay ogolaatay in ciidamadeeda lagu daro howlgalka Midowga Afrika ee ka socda dalka, arrintaas oo Itoobiya si weyn uga hortimid, iyagoo ku doodaya inay carqalad ku noqon karto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Masar ayaa horay u samaysay qiimeyn xagga ammaanka ah oo ku aaddan tallaabadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM