Fiqi oo ka digay "dhagar ay Al-Shabaab u maleegeyso" beelaha

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu maanta la qaatay odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay "kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha".

Fiqi ayaa iftiimiyey sida ay kooxda argigixisada "u qorsheynayaan isku-dirka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale".

Al-Shabaab ayuu hoosta ka xariiqay ay ku tilmaameen "qudhaacu dhuruq" dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwoo mooriyaan ah, isaga oo intaa raaciyey "in xagjirnimada kooxdaasi darteed aaney odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaanadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah".

Beelaha kala duwan ayuu ku ammaanay "sida ay uga gadooodeen dulmiga Alshabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa".

Shirweyne ay isugu imaan doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug ayuu tibaaxay in uu qabsoomi doonno Baladweyn ama Dhuusamareeb midkood.

Kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay odayaasha dhaqanka ayuu hoosta ka xariiqay in uu ballaarin doono, oo ay ku xigi doonaan HirShabelle, Koonfur-Galbeed iyo Jubbaland.

"Dhankooda odeyaasha Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka argigixisada Alshabaab iyaga oo wasiirka hordhigay qorshahooda la xiriira arrinkan, waxaa kale oo ay wacad ku mareen in ay huri doonaan naf iyo maal," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kasoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM