Fiqi oo ka hadlay weerarkii Trump ku qaadey Ilhan Omar

Image

Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si cad u muujiyay taageeradiisa Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, kadib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu weerar ku qaaday asalka Soomaali-nimada ee Ilhaan.

Fiqi ayaa Sabtidii qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri: “Haddii gabadheenna lagu beegsanayo aqoonsigeeda, anigu waxaan si adag ula garab istaagayaa. Anigoo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaan caddeynayaa in aan la jirro Ilhaan.”

Wasiirku wuxuu Ilhaan Cumar ku tilmaamay "tusaale wanaagsan oo bulshada u ah," isaga oo ku ammaanay guusha ay gaartay iyada oo aan cidna ku tiirsaneyn. Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay dadka isku daya in ay “Soomaaliya ku caayaan ama ku aflagaadeeyaan meeshii ay ka dhalatay darteed.”

Hadalkan Fiqi ayaa yimid kadib markii Donald Trump Khamiistii markale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar, isaga oo ku celiyay baaqiisii hore ee ahaa in la eryo xildhibaanadda, isla markaana uu hadallo liidasho ah ka sheegay Soomaaliya.

Trump wuxuu bartiisa Truth Social ku qoray: “Soomaaliya waa mid mar walba ka mid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka, laga bilaabo laaluush, lunsasho hanti iyo dowlad aan shaqeynayn. Dhammaan arrimahaas, haddana Ilhaan Cumar ayaa nala baraysa sida Mareykanka loo maamulo!”

Trump waxa uu horay u bartilmaameedsaday Ilhaan Cumar. Sannadkii 2019, wuxuu iyada iyo saddex xildhibaan oo kale oo madow ah ugu baaqay inay “ku noqdaan dalalkii ay ka yimaadeen,” hadal si weyn loogu cambaareeyay inuu yahay mid cunsuriyad ah. Isla sannadkaas, taageerayaashiisa ayaa ku dhawaaqayay “send her back” xilli uu Trump weerar afka ah ku hayay Ilhaan inta lagu guda jiray kulan ol’ole.

Ilhaan Cumar ayaa ah xildhibaanad Soomaaliyeed ah oo laga soo doorto gobolka Minnesota, una taagan codka muwaadiniin badan oo qurbajoog ah, gaar ahaan Soomaalida Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM