Fiqi oo ka hadlay weerarkii Trump ku qaadey Ilhan Omar

Image

Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si cad u muujiyay taageeradiisa Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, kadib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu weerar ku qaaday asalka Soomaali-nimada ee Ilhaan.

Fiqi ayaa Sabtidii qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri: “Haddii gabadheenna lagu beegsanayo aqoonsigeeda, anigu waxaan si adag ula garab istaagayaa. Anigoo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaan caddeynayaa in aan la jirro Ilhaan.”

Wasiirku wuxuu Ilhaan Cumar ku tilmaamay "tusaale wanaagsan oo bulshada u ah," isaga oo ku ammaanay guusha ay gaartay iyada oo aan cidna ku tiirsaneyn. Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay dadka isku daya in ay “Soomaaliya ku caayaan ama ku aflagaadeeyaan meeshii ay ka dhalatay darteed.”

Hadalkan Fiqi ayaa yimid kadib markii Donald Trump Khamiistii markale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar, isaga oo ku celiyay baaqiisii hore ee ahaa in la eryo xildhibaanadda, isla markaana uu hadallo liidasho ah ka sheegay Soomaaliya.

Trump wuxuu bartiisa Truth Social ku qoray: “Soomaaliya waa mid mar walba ka mid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka, laga bilaabo laaluush, lunsasho hanti iyo dowlad aan shaqeynayn. Dhammaan arrimahaas, haddana Ilhaan Cumar ayaa nala baraysa sida Mareykanka loo maamulo!”

Trump waxa uu horay u bartilmaameedsaday Ilhaan Cumar. Sannadkii 2019, wuxuu iyada iyo saddex xildhibaan oo kale oo madow ah ugu baaqay inay “ku noqdaan dalalkii ay ka yimaadeen,” hadal si weyn loogu cambaareeyay inuu yahay mid cunsuriyad ah. Isla sannadkaas, taageerayaashiisa ayaa ku dhawaaqayay “send her back” xilli uu Trump weerar afka ah ku hayay Ilhaan inta lagu guda jiray kulan ol’ole.

Ilhaan Cumar ayaa ah xildhibaanad Soomaaliyeed ah oo laga soo doorto gobolka Minnesota, una taagan codka muwaadiniin badan oo qurbajoog ah, gaar ahaan Soomaalida Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM