Fiqi: Waa albaab noo furan in aan xiriir la yeelano Jabhadaha Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ayaa hadalkan si furan ugu dhawaaqay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka fiirsan doonto in ay xiriir la sameyso oo ay taageerto jabhadaha ka dagaallamaya Itoobiya haddii dowladda Itoobiya ay ku dhaqaaqdo oo ay isku daydo fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka jawaabayey su’aal lagu weydiiyey barnaamij dood ah oo ka baxa telefishinka maxaliga ah ee Universal 12-kii Sept.

"Doorashada xiriir lala yeesho fallaagada hubeysan ee Itoobiya ama fallaagada dagaalka kula jirta taliska Itoobiya - haddii ay sidan ku sii socoto, in lala xiriiriyo iyaga waa ikhtiyaar u furan Soomaaliya, waa albaab noo furan," ayuu yiri.

Balse, Fiqi ayaa ku adkeystay in xaaladdu aysan weli gaarin heerkaas ayna qiimeyn doonaa waxyaabaha iska badala hab-dhaqanka maamulka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

“Laakiin wali ma aanan gaarin heerkaas, waxaa jirta rajo ah in xal la heli doono. Laakin waa dariiq inoo furan. Laakiin taasi waxay iman doontaa marka ay sii wadaan cadaawadooda, oo ay isku dayaan inay fuliyaan waxa loogu yeeray heshiiska,” ayuu xusay.

Wasiirka ayaa waxaa la weydiyay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe ah in ay xiriir la sameyso kooxda TPLF taasoo haatan uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Abiy Axmed.

“Arrintaas waan ka wada hadalnay, laakiin xilligan burburka Itoobiya dani uguma jirto Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika. Laakiin haddii ay sii wadaan [taageeridda] kuwa ka soo horjeeda Soomaaliya iyo kooxaha gooni-goosadka ah ee ay heshiisyada la saxiixdeen, waa arrin noo dookh ah,” ayuu carabka ku dhuftey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe iyo Dabaylaha Siyaasadeed: Muddo intee le’eg ayuu sii dhuuman karaa?

Axmed Madoobe, oo weli ka maqan saaxadda siyaasadda sababo aan caddeyn, ayaa…

  • Soomaliya

    18-09-2024

  • 04:17PM

Golaha Shacabka oo ka doodey labada hindise sharciyeed muhiim ah

Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Wax ka Bedelka Sharciga ka Hortaga Lacagdhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada ayay kala yihiin.

  • Soomaliya

    18-09-2024

  • 10:58AM